Hoggaamiyaha dhaqdhaqaaqa Xuuthiyiinta ee Yemen, cabdulmalik al-Houthi, ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisu ay diyaar u tahay “heer kasta oo colaadda ah oo sii kordha” marka la eego xiisadaha ka taagan gobolka.
Wuxuu intaas ku daray in khatartan ay saameyn ku yeelan karto goobaha barakeysan ee Islaamka, oo ay ku jiraan kuwa ku yaalla magaalooyinka Makka iyo Madina ee dalka Sacuudiga.
Cabdulmalik al-Houthi ayaa hadalkan ka sheegay khudbad laga sii daayay telefishinka Al-Masirah TV, Wuxuu sheegay inuu la shaqeynayo waxa uu ugu yeeray “in dhidibada loo aaso iska caabinta” oo ku saabsan xaaladaha ka socda Lubnaan, Gaza, iyo tallaabooyinka Maraykanka.
Hoggaamiyaha Xuuthiyiinta ayaa ka digay in:”Cadawgu uu ku shaqeynayo qorshayaal la shaaciyey oo ujeeddadoodu tahay in la abuuro xaalad loo yaqaan Israa’ii-sha Weyn iyo in la beddelo Bariga Dhexe.”
Cabdulmalik al-Houthi ayaa sidoo kale uga digay “dhammaan quwadaha iyo dhinacyada gobolka” inaysan dagaal u gelin magaca Israa’iil, isagoo sheegay inay la kulmi doonaan “cawaaqib xun oo halis ah” haddii ay sidaas sameeyaan.
Wuxuu ku andacooday in Mareykanka ay isku dayayso inay Xuuthiyiinta geliso “dagaal buuxa”, kaas oo uu sheegay inuu ugu dambayn dan u yahay Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee, khudbadda laguma soo hadal qaadin hanjabaad cad oo ku saabsan xiritaanka marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab ama beegsiga maraakiibta ganacsiga ee Red Sea.
Horey ayay saraakiisha Xuuthiyiintu uga digeen suuragalnimada sii kordhinta xiisadaha la xiriira Lubnaan, waxaana hoggaamiyaha kooxda uu hore ugu hanjabay in heerka colaadda uu sii kici doono haddii Maraykanka iyo Israa’iil ay dib u bilaabaan dagaal ay la galaan Iran.
