Wednesday, June 10, 2026

Ra’iisul wasaaraha Somaliya oo Garab istaag u Muujiyay Garsoore Cumar Cartan.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay garsooraha caalamiga ah ee Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan, halkaas oo uu kaga hadlay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay mar walba u hayaan guulaha iyo dadaalka garsooraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay Cartan, isla markaana uu ku amaanay xirfaddiisa iyo sumcadda uu ku yeeshay garsooraha heer caalami.

Waxa uu sidoo kale ku dhiirrigeliyay in uusan ka niyad jabin caqabadihii dhowaan soo foodsaaray ee la xiriiray ka maqnaanshihiisa tartanka Koobka Adduunka, balse uu sii wado dadaalkiisa iyo horumarinta xirfaddiisa garsoornimo.

“Cumar Cartan wuxuu dhex dhexaadiyay ciyaaro caalami ah oo kala duwan, wuxuuna kor u qaaday magaca garsoorka iyo rajada ciyaartooyda Soomaaliyeed ee dunida. Waa tusaale muujinaya adkeysiga dhallinyarada Soomaaliyeed ee dunida meel sare ka gaaraya,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaas ku daray in Cartan uu tusaale u yahay dhallinyarada Soomaaliyeed ee dadaalka iyo kartida ku gaara heer caalami, isagoo tilmaamay in safarkiisu uu dhiirrigelin u yahay jiilka cusub ee kubadda cagta iyo garsoorka.