Munaasabadda ayaa lagu wareejiyay mas’uuliyadda maamulka, iyadoo Hoggaamiyihii Ku-meel-gaarka ahaa ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, uu xilka ku wareejiyay Sheekh Aadan Madoobe oo maalin ka hor loo doortay hoggaamiyaha cusub ee maamulka.
Kaddib xil wareejinta, Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay hoggaankii ku-meel-gaarka ahaa iyo golihii wasiirrada shaqadii ay qabteen muddadii kala guurka, isagoo sheegay inay si hufan uga soo baxeen waajibaadkii saarnaa xilli uu maamulka ku jiray marxalad xasaasi ah.
“Waxaan maanta si rasmi ah xilka uga la wareegay hoggaamiyihii ku-meel-gaarka ahaa ee Dowladda Koonfur Galbeed. Waxaan uga mahadcelinayaa dadaalkii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu qabtay muddadii uu xilka hayay, gaar ahaan sidii uu u maareeyay xilligii kala guurka,” ayuu yiri hoggaamiyaha cusub.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay inuu si buuxda uga warqabo xaaladaha ka jira deegaannada Koonfur Galbeed, isagoo tilmaamay in mudnaanta maamulka cusub ay noqon doonto dib u heshiisiinta bulshada, sugidda amniga, xoojinta wadajirka shacabka iyo dhismaha maamul mideysan oo shacabka iyo dowladda isku xira.
“Waxaan Alle ka baryayaa inuu ii fududeeyo mas’uuliyadda culus ee la ii doortay. Waxaan xoogga saari doonaa dib u heshiisiinta, amniga, midnimada bulshada iyo dhismaha maamul ay shacabka qayb ka yihiin,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hoggaamiyaha cusub ayaa sidoo kale fariin u diray siyaasiyiin uu sheegay inay hore uga soo shaqeeyeen maamulka Koonfur Galbeed, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan xasilloonida iyo horumarka deegaannada ay ka soo jeedaan, kana fogaadaan wax kasta oo horseedi kara fowdo iyo amni darro.
Dhankiisa, Hoggaamiyihii Ku-meel-gaarka ahaa ee Koonfur Galbeed, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa uga mahadceliyay shacabka Koonfur Galbeed, gaar ahaan bulshada Baydhabo, taageeradii iyo wada shaqeyntii ay muujiyeen muddadii uu xilka hayay.
Waxa uu si gaar ah ugu mahadceliyay odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, haweenka, dhalinyarada, aqoonyahannada, ciidamada amniga iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo uu sheegay inay door weyn ka qaateen ilaalinta xasilloonida iyo hirgelinta hawlaha dowladnimo.
Jibriil ayaa sheegay in muddadii uu xilka hayay diiradda la saaray diyaarinta iyo qabsoomidda doorashada qof iyo codka ah, taas oo uu ku tilmaamay tallaabo muhiim u ah horumarinta geeddi-socodka dimuqraadiyadda ee maamulka.
Munaasabadda xil wareejinta waxaa goob joog ka ahaa masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka Koonfur Galbeed, siyaasiyiin, odayaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.
Gebagebadii munaasabadda, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay hoggaamiyaha cusub dukumiintiyada iyo masuuliyadaha xafiiska, halka Sheekh Aadan Madoobe uu ballanqaaday inuu sii wadi doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarinta deegaannada Koonfur Galbeed.
