Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo weftigii uu hoggaaminayey oo ku guda jira maalintii koowaad ee booqashada rasmiga ah ee dalka Israaโiil, ayaa galabta booqday saddex (3) Goobood oo Taariikh iyo xasuus ku leh dalka Israaโiil, kuwaasi oo kala ah:
๐. ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐:
Madaxweynaha Somaliland ayaa booqday goobta taariikhiga ah ee MOUNT HERZL, halkaasi oo uu dhigay xidhmooyin ubax ah.
Mount Herzl waa buur iyo goob Taariikhi ah oo ku taalla galbeedka magaalada Jerusalem waxana ay ka mid tahay meelaha ugu astaan weyn taariikhda iyo dawladnimada dalka Israaโiil.
Goobtan waxa loogu magac daray oo ku aasan Aabihii iyo Aasaasihii Dalka Israaโiil Theodor Herzl. Sidoo kale, goobtan taariikhiga ah waxa ku yaalla qabuuraha Madaxweynayaal iyo Raysal-Wasaareyaal hore iyo dad badan oo magac, xus iyo xasuus Qaran ku leh dalka iyo dadka reer Israaโiil.
Madaxweynaha waxa goobtan taariikhiga ah ku soo dhaweeyey Mr. Yaakov Hagoel oo ah Guddoomiyaha Ururka Yuhuudda Dunida.
๐. ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa booqasho rasmi ah ku tegay Xarunta Taariikhiga ah ee YAD VASHEM (World Holocaust Rememberence Center) ee magaalada Jerusalem, oo ah goobta ugu weyn ee lagu xuso laguna kaydiyo xusuusta dadkii dhibbanayaashii Holocaust-ka, halkaasi oo Madaxweynaha Somaliland uu ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha Xarunta, Mudane Dani Dayan.
Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta Yad Vashem ka dhagaystay warbixinno ku saabsan dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee sababay mid ka mid ah xasuuqii iyo isir-tirtirkii ugu waaweynaa ee soo mara taariikhda aadamaha ee qarnigii labaatanaad.
๐. ๐๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa booqasho ku tagay Goobta Taariikhiga ah ee Groves of Nations, halkaasi oo uu ku beeray Geed Astaan Qaran ah oo ka tarjumaya saaxiibtinimo, wada-shaqayn iyo xidhiidh waara oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Israaโiil.
Geedkan uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku beeray goobtan taariikhiga ah, ayaa ah mid muujinaya raad nololeed oo sii jiraya xitaa marka safarku dhammaado. Waxa uu u taagan yahay calaamad iyo astaan saaxiibtinimo oo taariikhi ah oo sii xoojinaysa xidhiidhka labada dhinac.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐





















