Somaliya Oo ka Hortimid Talaabada Israel u Qaaday kala Qaybinta Dhulka Somaliya.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay warar sheegaya in maamulka Israa’iil uu xiriir la sameeyay maamulka Somaliland, iyadoo aan loo marin Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in tallaabadaas ay tahay mid lagu xadgudbayo madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana aan waafaqsaneyn nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

Soomaaliya ayaa xustay in Dowladda Federaalka ay tahay hay’adda kaliya ee sharciyan u matasha dalka xiriirrada caalamiga ah, ayna tahay in dhammaan xiriirrada diblomaasiyadeed lagu maro Muqdisho.

Wasaaraddu waxay ugu baaqday Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo IGAD in ay ixtiraamaan midnimada Soomaaliya, isla markaana ay ka hortagaan tallaabo kasta oo dhaawaceysa wadajirka dalka.

Dowladdu waxay sidoo kale sheegtay in ay qaadi doonto dhammaan tallaabooyinka sharciga ah iyo kuwa diblomaasiyadeed si ay u ilaaliso madax-bannaanida iyo midnimada qaranka.

Soomaaliya ayaa weli xaqiijisay in ay ka go’an tahay wada hadal iyo xasillooni gobolka, balse aysan aqbali doonin wax ficil ah oo wax u dhimaya midnimadeeda.