Ukraine Oo Maanta Weerar ku Gubtay Warshada Ugu Wayn Ee Sifaynta Shidaalka Ee Mascow

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ukraine ayaa maanta qaaday weerar culus oo xanuun badan, iyadoo bartilmaameedsatay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee Ruushka oo ku taal caasimadda Moscow.

Meelaha la weeraray waxaa ka mid ahaa warshadda sifaynta shidaalka ee Kapotnya, oo ah warshadda ugu weyn ee shidaalka lagu sifeeyo ee caasimadda Ruushka ee Moscow.

Weerarka kadib waxaa halkaas ka kacay dab weyn oo qabsaday qaybo ka mid ah warshadda.

Maxay tahay muhiimada ay warshadan u leedahay Ruushka?

Weerarka ka dhacay warshadda Kapotnya ,waa in la taabtay wadnaha dhaqaalaha Ruushka, iyadoo xataa weerarkan uu leeyahay saameyn caalami ah oo taabanaya xasilloonida sahayda shidaalka ee xarunta ugu muhiimsan ee awoodda dhaqaale iyo siyaasadeed ee Ruushka.

Warshaddan ayaa muhiimad gaar ah u leh Moscow iyo nawaaxigeeda, maadaama ay bixiso ilaa 40% baahida shidaalka ee suuqa Moscow.

Sidoo kale waxay daboosha ku dhowaad 70% baahida baatroolka ee magaalada Moscow iyo deegaanada ku hareeraysan.

Awoodda wax-soo-saarka warshaddan ayaa gaareysa 12.8 milyan oo tan sanadkii, taas oo u dhiganta qiyaastii 245,000 ilaa 250,000 foosto oo shidaal ah maalintii.

Ka dib weerarkan waxaa la arkay gaadiid safaf dhaadheer u galay xarumaha shidaalka ee Moscow , kuwaasoo ka fogaanaya inuu hoos u dhac ku yimaado xarumaha shidaalka ka heli jiray warshadan.

Baaxada weerarka, wuxuu muujinayaa suragalnimo uu Ruushka kaga jawaabi karo weerarro saameyn leh oo ka dhici kara Ukraine.