Booyad Shidaal siday Oo ku Socotay Jabuuti Oo Shil ku Gubatay Deegaanka Gobolka Canfarta

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Gaari xamuul ah oo shidaal siday kana soo baxay magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday dalka Jabuuti ayaa saaka shil culus ku galay deegaanka Qawwalaylat 1 ee Gobolka Canfarta (Afar), kadib markii uu ku dhacay gaari kale, booyad shidaal iyo tareen, taasoo sababtay inuu dab xooggan ka kaco goobta.

Shilka ayaa sababay in dabku ku faafo gaadiidkii iyo tareenkii goobta ku sugnaa, iyadoo dhammaantood ay soo gaareen burbur aad u weyn. Isu socodkii gaadiidka ee waddada ayaa hakad galay, waxaana goobta gaaray ciidamada gurmadka iyo Booliska.

Booliska Gobolka Canfarta ayaa wada baaritaanka sababta rasmiga ah ee shilka iyo qiimeynta khasaaraha ka dhashay. Ilaa iyo hadda si rasmi ah looma shaacin khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhacdadan