Imaaraadka Carabta Oo Wada-hadallo Diblomaasiyadeed la Bilaabay Iiraan

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Maalin uun ka dib markii Mareykanku shaaciyay in Imaaraadka Carabta uu billaabay wada-hadallo diblomaasiyadeed oo uu la yeeshay Iiraan, ayaa maanta Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Abdullah bin Zayed Al Nahyan, telefoon kula hadlay dhiggiisa Iiraan, Abbas Araghchi.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, wada-hadalka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda gobolka iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa is-afgaradkii ay Mareykanka iyo Iiraan ku gaareen joojinta colaadda, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo fuliyo qodobada heshiiska iyo in diblomaasiyadda iyo wada-hadalku noqdaan waddada lagu xalliyo khilaafaadka.