Siyaasiga Maximilian Krah oo ka tirsan xisbiga Midigta Fog ee AfD ee Jarmalka ayaa sheegay inaan uusan rabin inay dalkiisa ku noolaadaan Muslimiintu, waxaa uu si gaar ah tusaale u soo qaatay Soomaalida. Waxaa uu ku dooday inay yihiin Muslimiin guulaysta marka ay joogaan dalalka galbeedka.
Weriyaha caanka ah ee Mehdi Xasan oo waraystay ayaa si la yaab leh u waydiiyay maxaad ku diidan tahay Soomaalida.
Mehdi Hasan: Ma u malaynaysaa inay Muslimiin aad u badan ku nool yihiin Jarmalka?
Maximilian Krah: Ma rabo inay ku noolaadaan Jarmalka 10,000( Toban kun) oo Soomaali ah.
Mehdi: Ma jeclid Soomaalida.
Krah: Waan ogahay sida ay Soomaalidu u dhaqanto (u guulaysato) marka ay joogaan waddamada Reer Galbeedka, waanna ogahay sida ay reer Iiraan u dhaqmaan marka ay joogaan waddamada Reer Galbeedka. Labadubana waa Muslimiin.
Soomaalida ayaa si wayn looga hadal hayaa dalalka reer galbeedka, waxaana indhaha kusoo jeediyay Madaxweynaha Maraykanka ee Trump
