Raysal wasaare Xamse oo isku sShaandhayn ku Sameeyay Agaasimayaasha Guud

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta sameeyay isku shaandhayn ah ku saabsan agaasimeyaasha guud ee qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda, si loo dardargaliyo howlaha dowladda ee socda.

Agaasimeyaasha la magacaabay ayaa kala ah;

1- Yuusuf Cali Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga.
2- Maxamed Saney Dalmar Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Shaqada iyo Bulshada.
3- Cabdifataax Cabdiqaadir Faarax Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
4- Guuleed Cabdijaliil Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa.
5- Yuusuf Xasan Isaaq Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
6- Maxamed Xasan Shire Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabadani ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo hufnaanta, isla xisaabtanka, iyo adeegyada bulshada, iyadoo la hubinayo in hay’adaha dowladda ay si hufan uga shaqeeyaan qorshayaasha horumarineed ee dalka.

Magacaabistan ayaa timid, iyadoo muddo xileedka xukuumadda Soomaaliya uu ka harsan yahay wax ka yar 40 cishe ah, xilli kooxaha mucaaradka ay ku doodayaan in wixii loo gaaro 15-ka May ay dowladdu lumin doonta sharciyaddeeda, haddii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo dalka doorasho lagu gaarsiinayo.

Si kastaba ha ahaatee, Raysal wasaare Xamse ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isbeddel ku sameynayay xukuumaddiisa, isagoo xilalka ka qaaday wasiirro, halka kuwa kalena uu soo magacaabay.