Israa’iil Oo ku Hanjabtay inay Dilayso Hoggaamiyaha Sare ee Iiraan iyo Iiran Oo Jawaab Adag ka Bixisay.

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ergeyga joogtada ah ee Iiraan u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa warqad rasmi ah oo uu u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Guddoomiyaha Golaha Ammaanka ku cambaareeyay hanjabaad ay Israa’iil si fagaare ah ugu jeedisay hoggaanka Iiraan.

Warqaddaas, ergeyga Iiraan Amir Saeed Iravani ayaa ku tilmaamay hanjabaadda uu Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, u jeediyay Mojtaba Khamenei inay tahay “caddeyn muuqata oo muujinaysa argagixiso dowladeed iyo xadgudub cad oo ka dhan ah Axdiga Qaramada Midoobay.”

Mr. Iravani ayaa warqaddiisa ku qoray in hadalka Mr. Katz ee ahaa in Mojtaba Khamenei uu yahay “bartilmaameed la doonayo in la dilo” uu qayb ka yahay, sida uu sheegay, “siyaasadda nidaamsan ee Israa’iil ee lagu beegsanayo laguna khaarijinayo mas’uuliyiinta sare ee Iiraan.” Wuxuu intaas ku daray in aamusnaanta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay Israa’iil ku dhiirrigelisay inay sii waddo waxa uu ku tilmaamay dembiyadeeda.

Horey, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iiraan, Cabbaas Caraqji, oo ka jawaabayay hadallada Wasiirka Difaaca Israa’iil, ayaa sheegay in hanjabaad kasta oo loo geysto shacabka iyo hoggaanka Iiraan ay la kulmi doonto “jawaab degdeg ah oo adag.”

Wuxuu intaas ku daray in Madaxweynaha Mareykanka uu ballan qaaday inuu xakameyn doono Israa’iil, isla markaana haddii Israa’iil ay ka baxdo qaabkaas, Iiraan ay ka jawaabi doonto.