Isaga oo ka jawaabaya bayaan wadajir ah oo ay soo saareen Britain iyo Faransiiska, Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda ee Iran Kazem Gharibabadi ayaa ka digay in joogitaan militari laga sameeyo Marinka Hormuz.
Britain iyo Faransiiska, bayaan ay si wadajir ah u soo saareen Jimcihii, waxay ku tilmaameen Marinka Hormuz inuu yahay “halbowle muhiim ah oo u ah dhaqaalaha caalamka”, waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay diraan ciidamo si loo xaqiijiyo marin ammaan ah oo xor ah oo maraakiibtu uga gudbaan marinkan istiraatiijiga ah ee maraakiibta.
Labada dal ayaa sidoo kale sheegay inay la shaqayn doonaan saaxiibada gobolka, oo ay ku jirto Cumaan, si loo xoojiyo amniga badda ee marinka.
Mr. Gharibabadi ayaa barta bulshada ee X ku soo bandhigay sawirka bayaanka wadajirka ah ee Britain iyo Faransiiska, isagoo qoray:
“Marinka Hormuz ma aha goob lagu sameeyo bandhig milatari oo ay isticmaalaan quwadaha ka baxsan gobolka,Iran, oo ah awood mas’uul ah isla markaana dammaanad qaadaysa amniga marinka, waxay ka digaysaa dhaqdhaqaaq kasta oo militari oo ka dhaca marin-biyoodkan xasaasiga ah”.
“Amniga Hormuz waxaa iska leh dalalka xeebaha leh; kuwa abuura xiisadaha ayaa qaadi doona mas’uuliyadda cawaaqibka ka dhalan kara tallaabooyinkooda. Tani waa digniin culus.” ayuu intaa ku daray.
Wargeyska Bloomberg News ayaa Khamiistii sheegay, isagoo soo xiganaya ilo xog-ogaal ah, in qaar ka mid ah dalalka waaweyn ee Yurub ay hadda aqbaleen in bixinta lacag si maraakiibta loogu oggolaado inay si ammaan ah uga gudbaan Marinka Hormuz ay noqon karto mid aan laga fursan karin.
Dhinaca kale Iran ayaa Cali Azmaei u magacaaday taliyaha cusub ee Ciidanka Badda IRGC.
Taliyihii hore ee ciidankan wuxuu ahaa Alireza Tangsiri, kaasoo la dilay Abriil 26, weerar ay qaadeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Israa’iil.
Ali Azmaei wuxuu hore u ahaa taliyaha Gobolka Shanaad ee Ciidanka Badda IRGC.
Gobolka Shanaad ee Ciidanka Badda IRGC waxaa la aasaasay Noofambar 4, 2012, waxaana hawlgalkiisa lagu dhawaaqay “laga bilaabo cirifka Jasiiradda Qeshm, oo lagu daray aagga Jasiiradaha Nazeat, ilaa galbeedka Jasiiradda Kish.”
Mr. Azmaei waxaa loo magacaabay taliyaha gobolkan laga bilaabo taariikhdaas.
Kahor intaas, wuxuu ahaa ku xigeenka taliyaha Gobolka Koowaad ee Ciidanka Badda IRGC.
