Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in dakhliga dhoofinta dalka uu sanadkan gaaray in ka badan $11 bilyan, isagoo xusay in tani ay ka dhalatay dib-u-habaynta dhaqaale ee ay dowladdiisu hirgelisay.
Abiy ayaa sheegay in dhoofinta bunka ay soo xareysay $3.1 bilyan, halka dhoofinta dahabku ay gaartay $5.5 bilyan. Dahabka Itoobiya waxaa inta badan laga soo saaraa gobollada Oromia, Benishangul-Gumuz, Canfarta (Afar), Tigray iyo Koonfurta Itoobiya (South Ethiopia Regional State), kuwaas oo ah meelaha ugu waaweyn ee laga qodo macdanta dahabka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale sheegay in kaydka lacagaha qalaad ee dalka uu si weyn u kordhay, isla markaana dhaqaalaha Itoobiya la filayo inuu sanadkan koro 10.2% ilaa 10.3%, taasoo, sida uu sheegay, dalka ka dhigi karta dhaqaalaha ugu weyn qaaradda Afrika.


