Puntland ayaa sheegtay in aysan aqbali doonin muddo kordhin sharci darro ah oo lagu sameeyo hay’adaha dowladda federaalka, iyadoo ka digtay in tallaabo noocaas ah ay horseedi karto khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta Puntland, Bile Qabowsade, ayaa sheegay in uu dhammaaday muddo xileedkii afarta sano ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, halka muddo xileedka Madaxweynaha uu ku egyahay 15-ka May 2026.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta wuxuu ka digay in haddii aan la qaban doorasho lagu heshiiyay, dalka uu geli karo “firaaq dastuuri ah” 30 maalmood kadib marka uu dhamaado waqtiga madaxweynaha.
“Waa waajib dastuuri ah in la qabto doorasho heshiis lagu yahay si loo ilaaliyo jiritaanka hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Bile Qabowsade.
Wasiir ku xigeenka warfaafinta ayaa sheegay, in Puntland ay ka fiirsaneyso tallaabooyinka ay qaadi doonto, isagoo carrabka ku adkeeyay in aysan oggolaan doonin xaalad kasta oo keeni karta dhaawac ku yimaada nidaamka federaalka.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo ay jirto walaac sii kordhaya oo ku saabsan jihada siyaasadeed ee Soomaaliya, xilli aan weli la gaarin heshiis rasmi ah oo ku saabsan doorashooyinka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan laba-geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia, Prof. Dr. Đuro Macut, intii ay socotay Madasha 5-aad ee Diblomaasiyadda Antaaliya (ADF2026), oo ka qabsoontay oo lagu qabtay dalka Turkiga.
Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda uu leeyahay xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Serbia, kaas oo soo bilowday 1960-kii xilligii la aasaasay Dhaqdhaqaaqa Dalalka Dhexdhexaadka ah (Non-Aligned Movement).
Ra’iisul Wasaaraha Serbia ayaa carrabka ku adkeeyay in dalkiisu uu taageersan yahay madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana uu tixgelinayo mabda’a faragelin la’aanta arrimaha gudaha.
Intii uu kulanku socday labada dhinac waxay isla garteen in ay jiraan fursado ballaaran oo lagu horumarin karo iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo kheyraadka dabiiciga ah, gaar ahaan shidaalka iyo gaaska.




Iiraan ayaa waxyar ka hor ku dhawaaqday inay dib u xirtay marin-biyoodka Hormuz oo ay sheegtay inuu ku laabtay xakameynta adag ee ciidanka Iiraan, sabab la xiriirta inuu Mareykanka ku kacayo wax ay ugu yeertay falal burcad badeednimo oo uu isku dayayo inuu ka hortaggo maraakiibta ku socota Iiraan iyo kuwa dekedaha Iiraan ka baxaya,
iyadoo go’aankan lagu sheegay inuu marinka Hormuz xirnaan doono illaa Mareykanka uu ka laabanayo go’doominta uu ku hayo dekedaha Iiraan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay ciidanka Ilaalada Kacaanka Iiraan oo ay Al Jazeera baahisay.
Telefishinka Al Jazeera ayaa baahiyay inay ciidanka Iiraan la xiriireen maraakiibta ku dhow marinka Hormuz , waxayna ku wargeliyeen marinka inuu si rasmi ah u xiranyahay isla markaana laga mamnuucay markab kasta inuu maro, iyadoo la adeegsanayo farriimo raadiye oo ka imanaya ciidanka badda ee Iiraan.
Sidoo kale Reuters ayaa ku warrantay labo markab oo isku dayay inay ka gudbaan marin-biyoodka Hormuz inay waxyar ka hor la kulmeen weerar ku qasbay inay dib uga laabtaan , taa oo dhalisay inay maraakiibtu joojiyaan socodkooda, saacado ka dib markii Iiraan ku dhawaaqday in dib loo xiray Hormuz.

Screenshot
HNN: Donald Trump ayaa ka fiirsanaya inuu soo afjaro xabbad-joojinta lala galay Iran haddii aan la gaarin heshiis lagu joojinayo dagaalka ka hor maalinta Arbacada.
– Waxaa laga yaabaa inaanan kordhin, ayuu Trump u sheegay weriyeyaasha isagoo saaran diyaaradda madaxtooyada ee Air Force One, isagoo intaas ku daray in xannibaadda Mareykanka ee marinka Hormuz ay sii socon doonto.
Xabbad-joojinta lala galay Iran waxay dhacaysaa Arbacada.
– Marka waxaad haysataa xannibaad, nasiib darro-na waa inaan mar kale bilownaa daadinta bambooyinka, ayuu yiri madaxweynaha.
Wuxuu sidoo kale tilmaamay in daqiiqadihii ugu dambeeyay ay ka yimaadeen warar wanaagsan oo ka yimid Iran, balse ma uusan faahfaahin.
– Waad maqli doontaan arrintaas. Waxaan u maleynayaa inay macno samaynayso inay dhacdo, waxaana u maleynayaa inay dhici doonto, ayuu yiri Trump.
– Waan arki doonaa waxa dhaca, balse waxaan u maleynayaa inay dhici doonto, ayuu kaga jawaabay su’aal ku saabsan waxa wararka wanaagsan ay yihiin.
Heemaal News Network.
HNN: Marinka Hormuz wuxuu ku laaban doonaa “xakame adag” sababo la xiriira cunaqabataynta Maraykanka, ayay sheegtay milatariga Iran.
Taliska wadajirka ah ee ciidamada Iran ayaa soo saaray bayaan ku saabsan xaaladda Marinka Hormuz, sida ay warbaahinta dowladdu sheegtay.
Donald Trump ayaa shalay ku adkaystay in Maraykanku sii wadi doono cunaqabataynta dekedaha Iran ee Gacanka Faaris, inkasta oo Iran ay qaadday xiritaankii aan rasmi ahayn ee marinkan muhiimka ah ee maraakiibta, kaas oo ah waddo weyn oo dhoofinta shidaalka caalamiga ah.
Afhayeen u hadlay Xarunta Dhexe ee Hazrat Khatam al-Anbiya ayaa sheegay in marinkan muhiimka ahi “ku laaban doono xaaladdiisii hore” ee xakame adag, sababtoo ah Maraykanku wuu diiday inuu qaado cunaqabataynta.
Waqtigan xaadirka ah ma cadda in tani ka dhigan tahay in marinku mar kale inta badan la xirayo, kaddib markii la arkay in dhaq-dhaqaaqa maraakiibta uu kordhay subaxnimadii hore.
“Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, iyadoo raacaysa heshiisyadii hore ee wadahadallada, waxay si daacadnimo leh u ogolaatay in tiro kooban oo maraakiib shidaal iyo ganacsi ah si nidaamsan uga gudbaan Strait of Hormuz.
“Nasiib darro, Maraykanku… weli wuu sii wadaa… waxa loogu yeero cunaqabatayn.”
“Sababtaas awgeed, xakamaynta Marinka Hormuz waxay ku laabatay xaaladdeedii hore, waxaana marinkan istaraatiijiga ah si adag u maamulaya oo u xakameynaya ciidamada qalabka sida.”
“Ilaa inta Maraykanku uusan oggolaan xorriyad buuxda oo maraakiibtu uga kala gudbi karaan Iran una aadi karaan meelaha ay u socdaan, iyo meelahaas uga iman karaan Iran, xaaladda Marinka Hormuz waxay ahaan doontaa mid si adag loo xakameeyo oo ku laabanaysa sidii hore.”
Heemaal News Network.
Maamulka Donald Trump ayaa soo bandhigay qorshe cusub oo wax ka beddelaya sida Mareykanku u bixiyo gargaarka caalamiga ah, iyadoo la doonayo in gargaar toos ah lagu beddelo iskaashi ganacsi.
Qorshahan oo lagu magacaabo “ganacsi beddelka gargaar” ayaa ujeedkiisu yahay in dalalka helaya gargaarka lagu dhiirrigeliyo inay galaan heshiisyo ganacsi iyo maalgashi, halkii ay si joogto ah uga heli lahaayeen taageero lacag ah.
Maamulka Mareykanka ayaa sheegay in gargaarka caalamiga ah uusan mar walba keenin horumar waara, isla markaana uu abuuro ku-tiirsanaan, sidaas darteedna loo baahan yahay in la xoojiyo ganacsiga iyo maalgelinta si loo kobciyo dhaqaalaha dalalkaas.
Qorshahan cusub wuxuu sidoo kale la xiriiraa dhimista doorka hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay iyo hoos u dhigista maalgelinta barnaamijyada gargaarka.
Dhanka kale, khubaro badan ayaa ka digay in tallaabadan ay saameyn ku yeelan karto dalalka saboolka ah, maadaama ay yarayn karto gargaarka degdegga ah ee ay ku tiirsan yihiin malaayiin qof.
Tilmaamaha hore waxay muujinayaan in maraakiibta ganacsiga ee ku sugan ama ku dhow Gacanka (Gulf) aysan ku degdegi doonin inay maraan Marin-biyoodka Hormuz, inkasta oo wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, uu ku dhawaaqay inuu “si buuxda u furan yahay”.
Mid ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya maraakiibta shidaalka iyo gaaska, oo aan rabin in magaceeda la shaaciyo, ayaa u sheegtay BBC in bayaanka Iran “uusan waxba ka beddelin xaaladda hadda jirta”.
Waxay tiri: “Ma dareemeyno inaan u baahannahay inaan qaadanno khataro aan loo baahnayn, waxaana habka shirkaddeenu yahay inaanan noqon kuwii ugu horreeyay ee mara marin-biyoodka.”
Shirkad kale oo lagu magacaabo Stena Bulk, oo ka shaqeysa maraakiibta shidaalka ee gobolka, ayaa sheegtay inay “si dhow ula socoto xaaladda isbeddelaysa.”
Waxay sidoo kale tiri: “Badbaadada shaqaalaheenna iyo maraakiibtayadu waa waxa hagaya go’aan kasta oo la xiriira waddo-marista, mana gudbi doonno ilaa aan ku qanacno inay ammaan tahay in sidaas la sameeyo.”
Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa maanta xilli hore sheegay in “ dhammaan maraakiibta ganacsiga ay ka gudbi karaan Marin-biyoodka Hormuz oo uu si buuxda u furan yahay inta ka hartay muddada xabbad-joojinta,” sida uu ku qoray bartiisa X.
Telefishinka dawladda Iran ayaa hadda soo xigtay “sarkaal sare oo milatari” oo sheegay in maraakiibtan ganacsiga ay mari doonaan “waddo loo qoondeeyay” isla markaana ay u baahan doonaan oggolaanshaha Ciidanka Badda ee ilaalada kacaanka Iiran.
Waddada loo qoondeeyay, sarkaalku wuxuu u sheegay TV-ga inay noqon doonaan midda dawladda ee ay go’aamiyeen Dekadaha iyo Ururka Badaha Iran.
Sida uu sheegay telefishinka dawladda Iran, isaga oo soo xiganaya sarkaalka milatariga, maraakiibta milatariga wali waa ka mamnuuc inay maraan Marin-biyoodka Hormuz.
Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.
