Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Friday, May 1, 2026
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Contact Us
  • About Us
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Login
Heemaal News Network
Heemaal Health new
Heemaal Sport new
Heemaal News Network
  • Home
  • English News
  • Somali
  • Caafimaadka
  • Cayaaraha
  • Ra’yiga
Somali

Madaxda Midawga Yurub Oo ku Dhawaaqay iney Maraakiib Dagaal u Dirayaan Marinka Hormus Xili Xiisadu Degtay.

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Hogaamiyeyaasha Dalalka Faransiiska, Jarmalka, Ingiriiska iyo Talyaaniga oo maanta Paris ku shirey ayaa ku dhawaaqay iney maraakiib dagaal u dirayaan marin biyoodka Hormus si loo ilaaliyo ammniga iyo xoriyada maraakiibta isticmaasha marinkaasi.

Reer Yurub ayaa markan leh meesha Mareykanku ku wareeray annaga hanoo baneeyo.

Sidoo kale Hogaamiyaha Jarmalka ayaa fariin hanjabaada u direy Iiraan ayaa yidhi “Iiraan waa iney si degdega u joojisaa barnaamijkeeda nukliyeerka, waa iney joojisaa weerarada ay ku hayso ISRL iyo Dalalka Gacanka, sidoo kale waa iney furtaa marin biyoodka Hormus iyadoo aan wax lacag ah maraakiibta ka qaadayn.”

Sikastaba ha noqotee Hadalkan madaxda Yurub ayaa kusoo beegmaya xili la xaliyay carqabadii ka taagnayd Hormuz Islamarkaana uu Trump sheegay in ay lasoo xiriirayaan madaxda dalaka Yurub qaarkood markii hawshii marinka Hormus dhameeyay isagoo xusay in markii loo baahnaana waxba tari-waayeen.

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan Oo Afar Shuruudoood kusoo Rogtay Maraakiibta ka Gudbaya Marinka Hormuz..

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Iiraan ayaa si ramsi ah ugu dhawaaqday iney afar shuruudoood kusoo rogtay maraakiibta ka gudbaya marin biyoodka Hormus, sida ay ku warantay Wakaalada wararka ee Tasnim.

1. Maraakiibta maraya marinka waa iney ahaadaan maraakiib ganacsi oo kaliya.

2. Waa mamnuuc maraakiibta dagaalka iyo kuwa Milatarigu iney ka gudbaan marinka.

3. Maraakiibtu waa iney maraan wadada ay Iiraan u cayimtay oo kaliya, ma mari karaan meesha ay doonaan.

4. Maraakiibtu inta aysan marinka gelin waa iney la xidiidhaan oo ay wargaliyaan Ciidanka Kacaanka Iiraan.

Trump ayaa se dhankiisa sheegey in Iiraan aysan dib u xidhayn marinka Hormuz aysanna jirin wax xayiraad dhaqaale ah oo laga qaaday Dahraan; sidoo kale wuxuu sheegey in Israa|l aysan dib u weerarayn Lubnaan.

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Trump Oo Saacad wax ka yar Ku Daabacay 11 War-qoraalo kala Duwan Kadib Furitaanka Marinka Hormuz.

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Kadib Furitaanka Marinka Hormuz. Donald Trump ayaa wax ka yar saacad si isdaba joog ah u daabacay fariimo kala duwan, kuwaas xambaarsanaa farxad mahadcelin iyo faan.

Fariinta 1aad: Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay ku dhawaaqday in marinka Hormuz uu si buuxda u furan yahay islamarkaana uu diyaar u yahay in maraakiibta si caadi ah u maraan.

Fariinta 2aad: Wuxuu caddeeyey in marinka Hormuz uu “completely open for business,” balse xannibaad dhinaca badda ah oo la xiriirta Iiraan ay weli jiri karto ilaa heshiis dhamaystiran la gaaro.

Fariinta 3aad: Trump wuxuu tilmaamay in Maraykanku heli doono dhammaan waxyeelladii ka dhalatay hawlgalladii militari, isagoo ku sheegay “nuclear dust” oo uu ku macneeyey faa’iido istaraatiiji ah.

Fariinta 4aad: Trump ayaa sheegay in Iran ay ka saari doonto miinooyinka ku jira marinka Hormuz iyadoo ay caawinayaan Maraykanka.

Fariinta 5aad: Trump ayaa sidoo kale sheegay Israa’iil mar dambe ma duqeyn doonto Lubnaan.Aniga ayaa arrintaas mamnuucay.”

Fariinta 6aad: Trump Wuxuu sheegay in aan wax lacag ah la is dhaafsan doonin heshiisyada qaar, taas oo muujinaysa in uu doonayo heshiisyo siyaasadeed oo aan dhaqaale ku xirnayn.

Fariinta 7aad: Trump wuxuu sheegay in Maraykanku si gaar ah ula shaqeyn doono dalal kale sida Lubnaan, taas oo muujinaysa istiraatiijiyad diblomaasiyadeed oo kala gooni ah.

Fariinta 8aad: Wuxuu sheegay in dalalka NATO ay la soo xiriireen kadib furitaanka Hormuz, iyagoo weydiinaya in ay caawimaad bixiyaan.

Fariinta 9aad: Trump ayaa si toos ah ugu jawaabay NATO isagoo yiri “iga fogaada wax ma tarayaal ayaad tihiine,” taas oo muujinaysa dhaliil iyo kalsooni uu ku qabo awoodda Maraykanka.

Fariinta 10aad: Wuxuu u mahadceliyey dalal ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya iyo kuwo kale oo uu sheegay inay kaalin ka qaateen xasilinta xaaladda.

Fariinta 11aad: Trump wuxuu ku soo gabagabeeyey fariimihiisa isagoo sheegay in heshiiska la gaaray uu yahay mid “great and brilliant,” taas oo uu ku tilmaamay guul weyn oo Maraykan gaadhay.

Fariimahan isdaba jooga ah ayaa muujinaya sida Trump uga faa’iideysanayo dhacdadan si uu u muujiyo hoggaamin iyo saameyn siyaasadeed, iyadoo arrintan si weyn looga falceliyey gudaha iyo dibadda Maraykanka.

April 17, 2026 0 comments
1 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Qiimaha Shidaalka Aduunka Oo si Weyn hoos ugu Dhacay, Saacad ka dib Markii Iiran Furtay Hormuz.

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Qiimaha Shidaalka aduunka ayaa si weyn hoos ugu dhacay, saacad ka dib markii Iiraan furtay marin-biyoodka Hormuz.

Qiimaha halka foosto saliidda Brent crude ayaa hoos uga dhacay $90, isagoo hore uga badnaa $98 isla maalintaas.

Sidoo kale, NYMEX light sweet crude, oo ah halbeegga Shidaalka ee Maraykanka, ayaa isna si weyn hoos ugu dhacay.

Ka hor khilaafka, Shidaalka nooca Brent wuxuu wax yar ka hooseeya $70 foosto. Wuxuu kor u dhaafay $100 horraantii bisha Maarso, wuxuuna gaaray heerkii ugu sarreeyay ee ka badan $119 dabayaaqadii isla bishaas.

Soomaalidu goormay dhimaysaa qiimaha shidaalka?

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Hindiya Oo Bilowday Inay Lacagta Shiinaha ee yuan-ka Shidaalka Uga iibsato Iiraan, Iyo Walaaca Maraykanka

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa maanta baahisay in ay Hindiya bilowday lacagta Shiinaha ee yuan-ka inay shidaalka uga iibsato Iiraan, ka dib markii Iiraan ay ku xirtay dalalka ka iibsanaya shidaalka inay adeegsadaan lacagta Shiinaha.

Warbixntan waxaa lagu sheegay in arrintan ay ku bilaabatay si tartiib ah, balse ay si joogto ah u socoto.

Sidoo kale, waxaa jira walaac uu wajahayo Mareykanka oo la xiriirta in tallaabo noocan ah ay si ballaaran u faafto, taas oo mustaqbalka wiiqi karta saameynta Mareykanka oo ku tiirsan lacagta doollarka.

Go’aanka Iiraan waa mid dharbaxo uu gacantiisa ku dhaliyay ku noqonaysa Mareykanka, sababtoo ah hubka ugu xooggan ee Mareykanka uu heysto waa cunaqabateynta.

Screenshot

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Aqalka Cada Ee Maraykanka Oo Sheegay In Qorshe ka kooban Saddex bog Lagu soo Afjaro Dagaalka.

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxyar ka hor baahisay in Mareykanka iyo Iiraan ay galeen wada-hadallo dhab ah oo ku saabsan qorshe ka kooban saddex bog oo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

Iiraan ayaa ku adkaysanaysa in ay sii horumariso barnaamijkeeda Nukliyeerka, inta Mareykanku sii daayo 20 bilyan oo doollar oo ka mid ah lacagaha Iiraan ee la xayiray,iyadoo taas beddelkeeda Iiraan ay oggolaanayso heshiis laga galo barnaamijkeeda nukliyeerka.

Dhinaca kale Trump ayaa marinka Hormuz u bixiyay marinka Iiraan, ka dib marar kala duwan oo uu sheegay in Hormuz loo bixin doono marinka Trump, wuxuuna ku dhawaaqay inuu hadda marin-biyoodkaa si rasmi ah u furan yahay.

Wuxuu yiri; “Iiraan hadda waxay ku dhawaaqday in Marinka Iiraan uu si buuxda u furan yahay, islamarkaana diyaar u yahay in si caadi ah loo maro. Waad mahadsan tihiin!”

Screenshot

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Israel Iyo Xisbullah Oo Isku Hanjabay Xili ay Xabad joojintu Dhaqan Gashay

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 2 minutes read

Israa’iil ayaa ka digtay in kumannaan rayid Lubnaaniyiin ah oo barakacayaal ahaa, kuwaas oo dib ugu laabanaya guryahooda koonfurta Lubnaan, laga yaabo in mar kale la daadgureeyo haddii dagaalku dib u qarxo, sida ay sheegtay AFP.

Wasiirka difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayaa bayaan uu baahiyay ku sheegay in weerarrada ka socda Lubnaan “ay gaareen guulo badan”, balse howlgalka ka dhanka ah Xisbullah uu “wali dhammaystirneyn”.

Wuxuu yiri:“Haddii dagaalku dib u bilaabmo, dadkaas dib ugu soo laabanaya aagga amniga waa in mar kale la daadgureeyo si loo dhammeystiro howlgalka.”

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamada Israa’iil ay sii hayn doonaan dhammaan goobihii ay “nadiifiyeen oo ay qabsadeen”, sida ay werisay Reuters.

Dhanka kale, iyadoo laga falcelinayo xabbad-joojinta lagu dhawaaqay Khamiistii, Hezbollah ayaa sheegtay: “Xabbad-joojin kasta waa inay noqotaa mid dhammaystiran oo ka dhaqan gasha dhammaan dhulka Lubnaan, isla markaana aysan siin cadawga Israa’iil wax xorriyad dhaqdhaqaaq ah.”

Hogaamiyaha Hezbollah oo sheegay in aysan waligeed hubka dhigi doonin

Sarkaal sare oo ka tirsan Hezbollah, Wafiq Safa, ayaa u sheegay BBC in kooxdu “waligeed, waligeed” hubka dhigayn, saacado ka hor inta aysan bilaaban xabbad-joojin 10 maalmood ah oo u dhaxaysa Lubnaan iyo Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in hub-ka-dhigista Hezbollah ay tahay shuruud aasaasi ah oo ku jirta wada-hadallada mustaqbalka ee lala yeelanayo dowladda Lubnaan.

Markii wax laga weydiiyay hub-ka-dhigista, Safa wuxuu yiri: “Ma aha ilaa xabbad-joojin dhab ah la gaaro. Ma aha ilaa ay Israa’iil ka baxdo. Ka hor inta aan maxaabiista la sii deyn, dadka barakacayaasha ahna la soo celin, iyo dib-u-dhiska la sameyn. Ilaa markaas, suurtagal ma aha in laga hadlo hubka Hezbollah.”

Wareysigan oo lagu qabtay dhisme ku yaalla Beirut ayaa bixiyay aragti naadir ah oo ku saabsan xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Hezbollah iyo taageeraha ugu weyn ee gobolka, Iran.

“Hezbollah iyo Iran waa laba naf oo hal jirku jirta” ayuu yiri Safa. “Ma jiri karto Hezbollah la’aanteed Iran, mana jiri karto Iran la’aanteed Hezbollah,” isagoo ku tilmaamay xiriirkaas mid “diimeed, sharci iyo fikradeed.”

Hezbollah, oo ah urur Shiico ah oo siyaasad iyo milatari iskugu jira, ayaa diidan jiritaanka Israa’iil, waxaana loo aqoonsan yahay urur argagixiso dalal badan sida Maraykanka, Boqortooyada Midowday iyo Israa’iil.

Markii la weydiiyay haddii Hezbollah ay mudnaanta siinayso danaha Lubnaan ama Iran, Safa wuxuu yiri:“Dabcan, Hezbollah waxay eegaysaa danaha Lubnaan.”

Wuxuu ku dooday in taageerada Iran, oo ay ku jirto cadaadiska lagu doonayo xabbad-joojin, ay caawisay Lubnaan inta uu socdo dagaalka. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo Lubnaaniyiin ah—oo ay la hadashay BBC—ayaa doonaya in kooxda hubka laga dhigo, waxayna ku eedeeyaan inay dalka gelisay dagaal.

Iyadoo Hezbollah ay diidan tahay hub-ka-dhigista isla markaana ay ku adkeysanayso shuruudo ballaaran, halka Israa’iil ay weli ku adkeysanayso dalabaadkeeda amni, xabbad-joojin kasta waxay u badan tahay inay noqoto hakad kumeelgaar ah oo aysan xaaladda soo afjarin

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan oo Shaacisay Nooca Xabbad-joojin ee ay Aqabalayso Wajiga Labaad ee Wadahadalada.

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ee Iran, Saeed Khatibzadeh, ayaa adkeeyay in Iran ay diidan tahay xabbad-joojin ku-meelgaar ah, isla markaana ay dooneyso in dagaalka si buuxda looga joojiyo guud ahaan gobolka.

Khatibzadeh ayaa u sheegay warfidiyeenka intii uu ku sugnaa madasha Antalya Diplomacy Forum in xabbad-joojin kasta ay tahay inay ka dhaqan gasho “laga bilaabo Lubnaan ilaa Badda Cas,” isagoo ku tilmaamay arrintaas “xariiq cas” oo Iran leedahay.

Sida ay werisay Al Jazeera, wuxuu sheegay:“Ma aqbali doono wax xabbad-joojin ku-meelgaar ah,” wuxuuna intaas ku daray in dagaalka“ay tahay inay halkan ku dhammaadaan si joogto ah.”

Marka laga hadlayo marin-biyoodka Strait of Hormuz, wuxuu sheegay in marin-biyoodkan, oo ku jira biyaha dhuleed ee Iran, uu mar walba furnaa.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Mareykanka iyo Israel inay sabab u yihiin xasillooni darrada gobolka, isaga oo sheegay in tallaabooyinkooda ay saameyn taban ku yeesheen ganacsiga caalamiga ah iyo dhaqaalaha.

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Iiraan Oo ku Dhawaaqday in ay si Buuxda u Furtay Marin-biyoodka Hormuz, inta lagu jiro

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 0 minutes read

Dowladda Iran ayaa kudhawaaqday in marin-biyoodka Hormuz uu gabi ahaanba furan yahay mudada lagu jiro xabbad-joojinta Lubnaan, iyo inta wada-hadalladu u socdaan iyaga & Mareykan

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran Araghchi ayaa sheegay in maraakiibta ganacsiga oo dhan ay si caadi ah u mari karaan marin-biyoodka Hormuz muddada 10-ka maalmood ee xabbad-joojinta ka jirta Lubnaan.

Trump ayaa soo dhoweeyey in xayiraadii laga qaaday Hormuz base Trump ayaa xusey in iyagu aysan weli Iiraan ka qaadin xayiraaddii dekedeed ilaa inta wada-hadalladu guuleysanayaa .

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
Somali

Taliyaha Ciidanka oo ku sugan Xeebaha Awdal iyo Selel Oo Amray in Ciidanku la Wareegaan Ciddii Uu ku Arko Hub.

by Heemaaln April 17, 2026
written by Heemaaln 1 minutes read

Taliyaha Ciidanka milatariga Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa gobollada galbeedka ee Awdal iyo Selel, halkaas oo uu ka waday dedaallo la xidhiidha nabadaynta laba beelood oo walaalo ah oo shaqaaqo ku dhex martay deegaannada Galbeedka Somaliland, ayaa kormeer ku maray fadhiisimada Ciidanka Qaranka JSL ee ku yaalla deegaannadaas.

Taliyaha Ciidanka Qaranka, ayaa muddadii uu ku gudo jiray kormeerkan waxa uu u kuurgalay xaaladda ciidanka iyo heerka amni ee goobaha ay joogaan.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Qaranka ayaa kulan kula qaatay magaalada Lawyo Cado madaxda Gobolka Selel, oo ay ka mid ahaayeen badhasaabka Gobolkaas, Maayirka Degmada Saylac iyo guddiga nabadgelyada gobolkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta nabadaynta iyo soo afjarida colaadda Beelaha walaalaha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay deegaannadaas.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, waxa kale oo uu ku war geliyey dadka deegaannadaas in aan la oggolaan doonin in cidna si sharci-darro ah u qaadato hub, isagoo caddeeyey in cid kasta oo lagu qabto hub sharci-darro ah ay Ciidanka Qaranku kala wareegi doonaan.

Ugu dambayntii Taliyaha Ciidanka Qaranku waxa uu u Mahadnaqay dadweynaha iyo bulshada ku nool Gobollada Selel iyo Awdal, kuwaas oo sheegay Taliyuhu in ay si wanaagsan ula shaqeyeen Ciidamada Qaranka, isla markaana qaatay awaamiirtii dawladdu bixisay ee la xidhiidhay xoojinta ammaanka iyo Nabadda Gobolladaasi.

April 17, 2026 0 comments
0 FacebookTwitterPinterestEmail
  • 1
  • …
  • 35
  • 36
  • 37
  • 38
  • 39
  • …
  • 92
  • Arteta oo quus taagan, hanjabaadla’aana maanta kaga baxay waraysigiisii

  • Qeybtii hore oo keliya: Harry Kane wuxuu dhigay laba rikoor kulankii PSG.

  • Markus Babbel oo ku fogaaday Salah “Wuxuu ahaa mid aad u liita sanadkan!”

  • Juventus oo u heelan helista Bernardo Silva oo ka huleelaaya Mancity

  • Liverpool, Chelsea, Tottenham, Newcastle, Aston Villa iyo Newcastle oo tartan ugu jira helista Trafford

  • Guuldarradii Arsenal ka soo gaartay Manchester City ayaa si sahlan uga qaadi karta hanashada horyaalka Premier League

  • Haaland oo aaminsan in ay ku guulaysanayaan horyaalka Premier League

Heemaal-News-Network-8

Wararkii u danbeeyey ee Soomaaliya iyo Caalamka. Warar la hubbo oo sal iyo raad leh, caafimaadka, cayaaraha iyo faallooyin suuban.

  • Userful Links
    • Privacy Policy
    • Terms of Use
    • Cookies
    • Data Information
    • Compliance
    • GDPR Policy
  • Categories
    • Cayaaraha
    • Caafimaadka
    • Soomaaliya
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Ganacsiga
    • Siyaasada
    • Rayiga
    • Sayninska

Latest Articles

Yurub iyo Maraykanka Oo sii kala Fogaanaya, Trump oo Canshuuro Dheeraad ah ku soo rogaya Yurub
May 1, 2026
Dhainyarada Muqdisho Oo si Cad Uga Horyimid Mudo Kororsiga Xasan Sheekh Kuna Baaqay Shirwayne ka Dhan ah Xukuumadiisa
May 1, 2026
AHUN:-Afar Qof Oo ku Geeriyooday Shil Baabuur Oo ka Dhacay Duleedka Gabiley.
May 1, 2026

@2026 – All Right Reserved. Designed and Developed by Heemaal News Network

Facebook Twitter Instagram Youtube Email
Heemaal News Network
  • Home