Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la kulmay cambaareyn uga timid mas’uuliyiin iyo ururrada xuquuqda Muslimiinta kaddib markii uu baraha bulshada ku baahiyay muuqaal ay ka muuqdaan carruur Soomaaliyeed oo xijaaban, kuwaas oo ka qeybgalayay munaasabad qalin-jabin ah oo ka dhacday dugsi ku yaalla gobolka Minnesota.
Muuqaalka oo socday 14 ilbiriqsi ayaa muujinayay arday dhigata fasalka kindergarten-ka ee dugsiga Gateway STEM Academy ee magaalada St. Paul. Gabdho badan oo Soomaaliyeed ayaa ka muuqday iyagoo xiran xijaab iyo dharka qalin-jabinta.
Trump ayaa muuqaalka ku baahiyay bartiisa Truth Social isagoo dib u wadaagay qoraal ka yimid akoonka “End Wokeness”, kaas oo sheegay in dhammaan gabdhaha muuqaalka ku jira ay xirnaayeen xijaab. Madaxweynaha ma uusan raacin wax faallo ah oo dheeraad ah.
Ururka Golaha Xiriirka Islaamka ee Mareykanka (CAIR) ayaa sheegay in baahinta muuqaalka ay kor u qaadi karto naceybka ka dhanka ah Muslimiinta, isla markaana ay khatar gelin karto carruurta muuqaalka ka muuqata.
Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sheegay in aan la aqbali karin in Madaxweynaha Mareykanka uu bartilmaameedsado carruur da’doodu yar tahay sababo la xiriira dharka ay xirnaayeen.
Sidoo kale, ururka Somali American Partnership ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ka tahay bulshada Minnesota, isla markaana carruurta Soomaaliyeed ay mudan yihiin in lagu qiimeeyo waxbarashadooda iyo mustaqbalkooda, halkii loo adeegsan lahaa doodo siyaasadeed ama hadallo kicinaya naceybka ka dhanka ah Muslimiinta iyo muhaajiriinta.
