Madaxweyne Donald Trump ayaa waxyar ka hor Fox News u sheegay hadal aan horey looga maqal , kaasoo ahaa inuu geeriyooday hogaamiyaha sare ee Iran Mojtaba Khamenei. waxuuna yiri
“Waxaa jirta suuragalnimo 90% ah in hoggaamiyaha sare ee Iiraan, Mojtaba Khamenei uusan hadda noolayn.”
Trump ayaa sheegay in markii uu bilowday dagaalka ilaa maanta aan wax sawir ah, cod, fidiyow ama isagoo socda aan laga arag Mojtaba Khamenei.
Labo maalmood ka hor waxa sawir cusub lagu daabcay bogga hogaamiyaha balse ma aheyn mid mar dhow la qaaday.
Madaxweyne Trump ayaa markale ku celiyay in la burburiyay ciidamada badda, cirka iyo kuwa difaaca Iran iyo sidoo kale in la dilay hoggaamiyayaashooda.
Wareysi ayuu sidoo kale ku sheegay in “wax kasta lagu heshiiyay” shalay islamarkaana ay Iran ogolaatay in xitaa ay ka tanaasusho nukliyeerka intii ay socdeen wadahadalada labada dal oo qaatay 11 saacadood”. balse Trump kama hadal faahfaahinta kulanka.
“Heshiis ayey shalay ogolaadeen, heshiis noo fican. Nukliyeer ma jirayo, tan maya, taa maya. Wax walba way ka hareen” ayuu yiri madaxweyne Trump.
Dhinaca kale Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran ayaa maanta oo Isniin ah ku tilmaamay hadalka Trump “Gabi ahaan wax aan run aheyn”.
Dhexdhexaadiyayaasha ayaa wada dadaaladooda ay ku dhexdhexaadinayaan Mareykanka iyo Iran.
