Dowladda Kuweyd ayaa wada-hadallo iyo iskaashi amni la furtay Pakistan, iyada oo danaynaysa in ay hesho difaac la mid ah midka ay Pakistan siiso Sucuudi Careebiya; iyada oo ciidamada, diyaaradaha & nidaamyada difaac ee Pakistan ay ilaalin doonaan Kuweyd, sida ay daabacday wakaaladda Reuters.
Kuweyd iyo Baxrayn ayaa la dhibaataysan weerarrada Iiraan, iyada oo Pakistan ay si cad u difaacday Boqortooyada Sucuudi Careebiya.
Pakistan oo ah dalka keliya ee Islaam ah ee leh Nukliyeer ayaa hadda noqday mid ay difaac ka wada rabaan dalalka Carabta, iyada oo taas beddelkeedana ay Carabtu dhaqaale ahaan kabayaan Pakistaan.
