Dowladda Iran ayaa la sheegay inay u dirtay gudaha Yemen qalab casri ah oo lagu horumarinayo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyadoo ay wehliyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah (IRGC) iyo la-taliyeyaal militari, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Sida ay Reuters ku warrantay, qalabka iyo khubarada la geeyay Yemen ayaa loogu talagalay inay gacan ka geystaan kor u qaadista awoodda militariga ee kooxda Xuutiyiinta, gaar ahaan dhinacyada horumarinta gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay inay jiraan calaamado muujinaya in Iran ay isu diyaarinayso suuragalnimada dagaal ballaaran oo ka dhaca gobolka, iyadoo xoojinaysa awooddeeda iyo tan xulafadeeda si ay uga hortagto weerarro laga yaabo inay kaga yimaadaan jihooyin kala duwan.
Wararkan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii kordhayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo Iran, iyadoo labada dhinac ay isweydaarsanayaan hanjabaado iyo dhaq-dhaqaaqyo militari oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaaddu ku baahdo guud ahaan Bariga Dhexe.
Ilaa iyo hadda, dowladda Iran si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta Reuters, sidoo kale kooxda Xuutiyiinta kama aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan sheegashooyinkaasi.
Haddii xogtan la xaqiijiyo, waxay muujin kartaa kororka doorka Iran ee taageerada militari ee ay siiso xulafadeeda gobolka, arrin sii adkeyn karta xaaladda amni ee Bariga Dhexe.
