Maxkamad ku taalla Suuriya ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas, Bishar al-Assad, ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay dambiyo ka dhan ah aadanaha oo la xiriira dagaalkii sokeeye ee Suuriya.
Bishar al-Assad, oo isaga iyo qoyskiisu u baxsadeen Ruushka sannadkii 2024, ayaa sidoo kale maxkamaddan lagu helay inuu galay dil.
Atef Najib, oo qaraabo la ah Mr. al-Assad, isla markaana madax ka ahaa amniga siyaasadda ee gobolka Daraa, ayaa sidoo kale lagu xukumay dil.
Gobolka Daraa ayaa ahaa halkii ay ka bilaabatay kacdoonkii dibadbaxayaasha ee ka dhanka ahaa taliskii Bishaar al-Assad.
Atef Najib, oo la xiray sannadkii hore, ayaa lagu helay dambiyo ay ka mid yihiin dilka carruur iyo jirdil sababay dhimasho.
Mas’uuliyiinta dowladda ku-meelgaarka ah ee Suuriya ayaa isku dayaya inay maxkamadeeyaan xubno ka tirsanaa dowladdii hore, qaar iyagoo maxkamadda hortooda jooga, qaarna iyagoo maqan.
