Xukuumada Somaliland Oo War kasoo Saartay Booqashadii Weftiga Qaramada Midoobey ee Laascaanood Woqooyi-bari, iyadoo sidoo kale ka Dalbatay QM in Booqashooyinkan oo kale ay kala tashato.
Warsaxaafadeedka SL ayaa lagu yidhi; Somaliland waxa si buuxda uga go’an in ay fududeyso kaalmada bini’aadantinimo ee dhammaan bulshooyinka u baahan oo ay ku jiraan dadkayaga ku dhaqan Laascaanood, hase yeeshee Dowladda SL waxay rabtaa in ay hoosta ka xarriiqdo in booqashooyinka ay mas’uuliyiinta sare ee Qaramada Midoobay ku tagaan deegaannada xasaasiga ah dhanka siyaasadda iyo amniga lagu saleeyo marinnada diblomaasiyadeed ee dhisan, iyadoo ay jirto ogeysiin, lagatashi iyo isku-duwid ku habboon oo la sameysa Dowladda Somaliland.”
Dawladda Somaliland waxay sii waddaa inay qiimeyso iskaashigeeda muddada dheer soo jiray ee wax-ku-oolka ah ee ay la leedahay Qaramada Midoobay, waxayna mar kale xaqiijinaysaa sida ay uga go’an tahay wada-shaqayn joogto ah oo iskaashi ku dhisan.
Sidaas awgeed, Dawladdu waxay si xushmad leh u rajaynaysaa in mustaqbalka si buuxda loo dhowro loona raaco habraacyada diblomaasiyadeed ee la dejiyey iyo marinnada isgaarsiinta.”

