Trump ayaa markii u horreysay ka hadlay heshiiska difaaca wadajir ah ee ay gaareen Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga.
Wuxuu yiri;“Aad ayaan ugu faraxsanahay in Sacuudiga, Turkiga iyo Pakistan ay ugu dambayn saxiixeen heshiiska difaaca wadajirka ah ee Maka.Heshiiskani wuxuu muujinayaa in dalalkan ay doonayaan inay iska kaashadaan amniga oo ay si wadajir ah isu difaacaan haddii midkood la weeraro.”
Wuxuu intaa ku daray; “Waxaan hambalyo u dirayaa hoggaamiyeyaasha saddexdan dal. Tani waa tallaabo weyn, geesinimo leh oo muhiim ah, waana bilow wanaagsan.”
