Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa go’aansatay in ra’iisul wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan laga soo saaro xabsiga loona wareejiyo isbitaal, sababo la xiriirta in xaaladdiisa caafimaad ay liidato,sida ay maanta werisay Reuters.
Imran Khan ayaa xabsiga ku jiray tan iyo 2023, isagoo wajahaya dacwado la xiriira musuqmaasuq.Dabayaaqadii sanadkii hore, isaga iyo xaaskiisa Bushra Bibi ayaa labadaba lagu xukumay 17 sanno oo xabsi ah.
Hadda, waxaa la sheegay Khan, oo 73 jir ah in labada maalmood ee soo socda loo wareejin doono Isbitaalka Shifa International ee ku yaal caasimadda Pakistan ee Islamabad.
