Tuesday, September 1, 2026

Jarmalka Oo Maanta ku Eedeeyay Ruushka Weerarki Lagu Qaaday Garoonka Diyaaradaha Leipzig/Halle

by Heemaaln
0 minutes read
A+A-
Reset

Dawlada Jarmalka ayaa maanta ku dhawaaqay inuu baaritaan sirdoon ku oggaaday inuu Ruushka ka dambeeyay weerar diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo horraantii Agoosto lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Leipzig/Halle ee ku yaalla bariga Jarmalka,sida ay werisey Reuters.

Jarmalka ayaa Isla maantaba qaaday tallaabooyin uu weerarkan uga jawaabayo isagoo xiray qunsuliyada uu Ruushku ku lahaa magaalada Bonn iyo xarunta dhaqanka ee Ruushku ku lahaa Berlin.

Sidoo kale Jarmalka ayaa Midowga Yurub ka dalbaday inay qaadaan tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah Ruushka.