Saturday, September 5, 2026

Israa’iil Oo Dhibaato kala Kulantay Burburintii Tuubooyinka Biyaha Bulaacadaha ee Qasa,

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Israa’iil waxay toddobaadyadii u dambeeyay iyo muddadii dagaalka lagu jiray burburisay tuubooyinka biyaha ,bulaacadaha iyo goobaha lagu macaaneeya biyaha badda ee marinka Qasa, iyadoo ujeeddadu tahay in cadaadis la saaro Falastiiniyiinta Qasa oo ay wajahaan xaalad biyo la’aan ah iyo isbeddel ku dhaca deegaanka oo sababi karta inay isaga baxaan Qasa.

Balse, dhibaatada waxay ku soo noqotay Israa’iil oo si ka badan Qasa , dhexda u gashay jahwareer biyo la’aan, markii la xiray 5 ka mid ah 6 xarumood oo ay Israa’iil u adeegsanaysay inay biyaha badda ku macaanayso, maaddama dhulka ay haystaan inta badan uusan lahayn biyo, waxayna xaaladan ka dhalatay in tuubooyinkii biyaha qaadayay xireen dhir-biyoodka loo yaqaan Algae-ka, oo ah wax ka dhalanaya burburinta tuubooyinkii biyaha siinayay Qasa.

Wargeyska Israa’iil ka soo baxa ee Haaretz ayaa waxa dhacay ku tilmaamay qarax dib uga soo noqday nidaamka bulaacadaha,taas oo loola jeedo in burburinta nidaamka bulaacadaha iyo biyaha ee Qasa ay ugu dambayn dhibaato ahaan ugu soo noqotay Israa’iil lafteeda.

Screenshot

Screenshot

Screenshot