Sunday, September 6, 2026

Qoysaska 10 Badmaax oo Burcad-badeedda Somalidu Haystaan oo ku Hanjabay inay Cuntada ka Soomayaan

by Heemaaln
3 minutes read
A+A-
Reset

Qoysaska 10 badmaax oo Pakistan u dhashay oo muddo ka badan afar bilood ay afduub ahaan u haystaan burcad-badeed Soomaali ah ayaa dibadbax ka dhigay magaalada Karachi, iyagoo dowladda ka dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo ehelladooda.

Qaar ka mid ah qoysaska ayaa sheegay in haddii dowladda Pakistan ay ku guuldarreysato inay xal u hesho arrinta, ay bilaabi doonaan inay cuntada ka soomaan.

10-ka badmaax ayaa ka tirsanaa shaqaalihii markabka shidaalka ee MT Honour 25, oo ku safrayay calanka Palau, kaas oo burcad-badeeddu ay qabsadeen 21-kii Abriil meel ka baxsan xeebaha Puntland ee Soomaaliya.

Muddada Afduubka loo haysto aayaa hadda ku dhow 140 maalmood, iyadoo qoysasku ay marar badan dowladda Pakistan ka dalbadeen inay dadaal diblomaasiyadeed ku bixiso sidii loo sii dayn lahaa ehelladooda.

“Afar bilood iyo bar waa waqti dheer, waanan daalnay hadda,” ayay Ambreen Yousuf, oo xaaska Syed Hussain Yousuf oo ahaa injineerka labaad ee markabka, u sheegtay Arab News xilli uu dibadbaxu ka socday deegaanka Numaish ee Karachi.

Waxay dowladda ugu baaqday inay si nabad ah ugu soo celiso dalka 10-ka badmaax, iyadoo sheegtay in qoysaskoodu ay walaac weyn ka qabaan xaaladdooda.

Dibadbaxan ayaa yimid wax ka yar laba toddobaad kadib markii Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Pakistan, Ishaq Dar, uu magaalada London kula kulmay Xoghayaha Guud ee Hay’adda Caalamiga ah ee Badaha (IMO), Arsenio Dominguez, kaas oo uu ka dalbaday in si degdeg ah loo sameeyo dadaallo hay’adeed oo horseeda sii deynta badmaaxiinta.

Bishii Agoosto, Dar ayaa sidoo kale guddoomiyay kulan heer sare ah oo looga hadlayay xaaladda badmaaxiinta, isagoo saraakiisha Pakistan faray inay xoojiyaan xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, hay’adaha caalamiga ah iyo dhinacyada kale ee arrintan gacan ka geysan kara.

Hase yeeshee, qoysaska ayaa sheegay in aysan helin xog ku filan oo ku saabsan halka ay marayaan dadaalladaas, isla markaana aysan muddo ku dhow bil iyo bar wax xiriir ah la sameyn badmaaxiinta.

“Ku dhowaad 140 maalmood ayaa laga joogaa, welina wax war ah kama hayno dadkeenna,” ayay Mahwish Yasir, oo ninkeeda Yasir Khan uu ka mid yahay badmaaxiinta la haysto, tiri.

Waxay sheegtay in xiriirkii ugu dambeeyay ee ay la sameeyeen ehelladooda uu dhacay qiyaastii bil iyo bar ka hor, tan iyo xilligaasna aysan wax war ah ka helin.

Qoysasku waxay sheegeen in xiriir la’aantu ay sii kordhisay walaaca laga qabo caafimaadka badmaaxiinta iyo xaaladaha ay ku nool yihiin.

“Haddii dowladda aysan weli jawaab na siin, tallaabada ugu dambeysa waxay noqon doontaa inaan cuntada ka soomno,” ayay Yasir tiri.

Ayesha Ameen, oo ninkeeda Ameen bin Shams uu ka mid yahay badmaaxiinta la haysto, ayaa sheegtay in afduubka muddada dheer uu saameyn ku yeeshay carruurta qoysaska.

Dowladda Pakistan ayaa sheegtay inay waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu sii daayo badmaaxiinta.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa hore u sheegtay in milkiilaha markabka iyo dhinacyada Soomaalida ay xiriir la leeyihiin burcad-badeedda, halka dowladda Pakistan ay dalbatay in shaqaalaha markabka la gaarsiiyo cunto, biyo la cabbo iyo waxyaabaha kale ee daruuriga ah.

Saraakiisha Pakistan ayaa sidoo kale sheegay in howlgal ciidan ama sharci-fulin ah oo lagu soo furto badmaaxiinta uu adkaan karo, maadaama markabku sido shidaal iyo xamuul khatar keeni kara.