Lix Dhalinyaro Reer Boorama ah ayaa ayaa siyaabo kala duwan loogu xiray Magalada Hargeysa, waxaana Afar ka mid ah dhalinyaradan laga qabtay Garoonka diyaaradahaHargaysa xili ay Muqdisho kasoo laabteen halka labada kale-na Laga qaaday magaalada Boorama.
Ilaa hada Somaliland ma Cadayn sababta ay u xidhan yihiin Dhalinyaran iyo eeda loo haysto, sidoo kale waxa xusid mudan in masuuliyiinta Gobolka Awdal ku matalada Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ayaan iyagana ka hadal.
Somaliland Walibada Gobollada Galbeedka waxa aad usoo Noqnoqda Xadhiga Sharci darada ah ee Dadka lagula Kaco Dhilinyaro badan ayaa billo iyo Maalmo ku qaatay Xabsiyo ka Dheer halkii ehelkoodu Joogeen.
Su,aal kale oo ay inta badan Shacabka iswaydiiyaan ayaa ah Maxaa laga Faa,iidayaa Xadhiga Dhalinyarada ?
