Wednesday, September 16, 2026

Xuutiyiinta oo Markii ugu Horeysay War kasoo Saaray Weerar Lagu Qaaday Maka Oo Lagu Eedeeyay

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ayaa beenisay inay ku lug lahaayeen weerar kasta oo lagu qaaday magaalada Maka ama goobo kale oo barakaysan oo ay leeyihiin Muslimiintu.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay inay soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta Yemen, ka hor inta aysan soo gelin aagga magaalada Makka, taas oo ka hortagtay weerar dhici lahaa.

Warsaxaafadeed uu ku daabacay baraha bulshada, afhayeenka ciidamada Xuutiyiinta Yahya Saree ayaa beeniyay eedeymaha uga imaanaya Sacuudi Carabiya ee sheegaya inay bartilmaameedsadeen magaalada Maka intii ay wadeen weerarradooda.

Sida uu sheegay, “ujeeddada hawlgalkeenna waa inaan bartilmaameedsanno xarumaha shidaalka iyo saldhigyada milatariga.”

Turki al-Maliki, oo ah afhayeenka ciidamada isbahaysiga ee uu hoggaamiyo Sacudiga ee ka hawlgala Yemen, ayaa bayaan ku sheegay in tani ay tahay markii labaad oo ay Xuutiyiintu bartilmaameedsadaan Makka; markii ugu horreysay waxay ahayd weerar gantaal oo dhacay bishii Luulyo ee sanadkii 2017-kii.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xilli ay sii kordheen weerarrada Xuutiyiintu ay ku hayaan qaybo ka mid ah Sacudi Carabiya.

Shalay oo Talaado ahayd, hay’adaha amniga ayaa soo saaray digniin amni oo ku saabsan magaalooyinka Makka, Jeddah, iyo Taif, iyagoo dadka kula taliyay inay iska ilaaliyaan khatarta weerarrada.

Balse markii dambe, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Difaaca Madaniga ah ee Sacudiga ayaa ku dhawaaqay in “aysan jirin wax khatar ah mar dambe.”