6
Dawladda Suuriya, ayaa ku gacan-saydhay dalab uga yimid dalka Sucuudiga oo ahaa in dagaalyahanno reer Suuriya ah loo diro Sacuudiga si ay uga taageeraan ama ula dagaalamaan Xuutiyiinta Yemen.
Sida uu qoray wargeyska Turkey Today, Sucuudiga ayaa doonaya inuu bixiyo dhaqaalaha ku baxaya dagaalyahannadan Suuriya, balse waxa arrintaasi diidmo xoogan ka muujiyey dawladda Suuriya.
Dagaalo xoogan ayaa u dhexeeya Sucuudiga iyo Xuutiyiinta, waxaanu Sucuudigu doonayaa inuu helo cid kale oo ka taageerta dagaalka Yemen.
