Wednesday, September 23, 2026

Jabhadda JWXO oo Beenisay inay ku Biirtay Isbahaysiga Jabhadaha Itoobiya ka soo Horjeeda

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeeniya (JWXO) ayaa beenisay warar sheegayay inay ku biirtay isbahaysi ay sameysteen kooxo mucaarad ah iyo jabhado hubaysan oo ka soo horjeeda xukuumadda Itoobiya, iyadoo sheegtay in magaca ururka si aan sharci ahayn loogu adeegsaday isbahaysigaasi.

Warsaxaafadeed ay JWXO soo saartay Isniinta maanta ayaa lagu sheegay in ururku aanu wax lug ah ku lahayn Isbahaysiga xoogagga kasoo horjeeda dowlada, kaas oo ay toddoba kooxood oo Itoobiya ka jira oo uu ku jiro garabka ONLF ee mucaaradka ah ku dhawaaqeen. JWXO waxay sheegtay in dadka magaca ururka u adeegsaday isbahaysiga ay ka mid yihiin xubno uu hormuud u yahay guddoomayaha garabka ONLF ee mucaaradka ah, Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi, ayna tallaabadaasi ka tarjumayn mowqifka rasmiga ah ee xisbiga.

JWXO waxay sheegtay in xisbigu uu sannadkii 2018 heshiis nabadeed la galay dowladda Itoobiya, kaddib markii ay xukunka la wareegtay dowladda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Sida lagu sheegay warsaxaafadeedka, heshiiskaasi wuxuu JWXO u suurageliyay inay hadafkeeda siyaasadeed ku raadsato hab nabadeed, iyadoo xisbigu sheegay in mowqifkiisaasi aanu waxba iska beddelin.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay in aanu diyaar u ahayn inuu xulufo la noqdo ama heshiis la galo kooxo hubaysan oo uu ku eedeeyay inay ka shaqeeyaan amni-darro iyo xasillooni-darro. JWXO waxay tilmaantay in barnaamijkeeda siyaasadeed iyo istaraatiijiyaddeeda nabadeed ayna u saamaxayn inay gacan-saar la yeelato kooxo ku howlan colaad iyo dagaal.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in JWXO ay ka xun tahay in shaqsiyaad ay ku tilmaantay danaystayaal oo hore uga tirsanaa xisbiga ay sheegtaan inay magaca JWXO ku galeen isbahaysiga kooxaha hubaysan. Xisbigu wuxuu sheegay in dadkaasi ayna matalin mowqifkiisa rasmiga ah, isla markaana ayna jirin wax dan ama heshiis siyaasadeed oo JWXO ay la wadaagto kooxaha isbahaysiga ku dhawaaqay.

JWXO waxay sidoo kale ugu baaqday Dowladda Federaalka Itoobiya, Dowlad Deegaanka Soomaalida, xisbiyada siyaasadeed, ururrada bulshada rayidka ah, dalalka deriska ah iyo beesha caalamka inay ixtiraamaan mowqifka rasmiga ah ee xisbiga. Waxay intaa ku dartay inay diyaar u tahay inay soo gudbiso macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cidda ay sheegtay inay si aan sharci ahayn magaca JWXO ugu adeegsatay bayaanka isbahaysiga jabhadaha ku dhawaaqay in ay kasoo horjeedaan xukuumada Itoobiya.

Warsaxaafadeedkan ayaa kusoo beegmaya maalin kadib markii lasoo saaray liiskan toddobo kooxood oo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ku dhawaaqeen isbahaysi ay ugu magac dareen “Isbahaysiga Xoogagga Dadka Itoobiya ee Badbaadada”. Kooxahaasi waxaa ka mid ah Jabhadda Shacabka Axmaarada ee Fano, Jabhadda Xoreynta Oromiya, Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigreega, JWXO, Ugugumo, Jabhadda Xoreynta Shacabka Binshangul iyo Jabhadda Dimuqraadiga Shacabka Gumuz. Isbahaysigu wuxuu sheegay inuu doonayo in meesha laga saaro xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, kadibna la dhiso dowlad ku-meel-gaadh ah oo loo dhan yahay, balse JWXO, ayaa sheegtay in si qaldan loo adeegsaday magaceeda oo anay kamid ahayn isbahaysiga.