Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka taagan xaafadda Raadeerka ee degmada Dayniile, halkaas oo uu sheegay inay ka socdaan dhul-boob, burburinta guryaha iyo barakicinta dadka deegaanka.
Kheyre ayaa cambaareeyay falalka uu ku eedeeyay Mahdi Cumar Muumin iyo Yaasiin Nuur Kheyre (Ganeey), isaga oo sheegay in shacabka xaafadda ay wajahayaan dil, dhac, dhaawac iyo xoog looga saarayo guryahooda.
Waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in saraakiil loo carbiyay ilaalinta nafta iyo hantida shacabka lagu eedeeyo inay ku lug leeyihiin falal waxyeello u geysanaya dadka rayidka ah, gaar ahaan qoysaska danyarta ah ee ku nool xaafadda.
Kheyre ayaa si gaar ah ugu baaqay labada sarkaal inay joojiyaan falalka uu ku eedeeyay, kana waantoobaan barakicinta dadka iyo boobka hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed.
“Waxaan xusuusinayaa in lagula xisaabtami doono gaboodfallada ay kula kacayaan nafta iyo hantida shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.
Hadalka Kheyre ayaa kusoo aadaya iyadoo muranka dhulka, burburinta guryaha iyo barakicinta dadka deegaanka ay cabasho xooggan ka abuureen qaybo ka mid ah degmada Dayniile, halkaas oo dadka ay dhibaatadu saameysay ay dalbanayaan in la ilaaliyo xuquuqdooda iyo hantidooda.
Eedeymaha uu Kheyre u jeediyay saraakiishaasi ayaan qoraalkan lagu soo bandhigin jawaabtooda.
