Tuesday, November 10, 2026

Weerar Jidgal ah oo Mandheera Lagu Dilay 7 Qof oo ay ku Jiiraan Injineerro iyo Askari Booliis

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Rag hubeysan oo lala xiriirinayo Al-Shabaab ayaa weerar jidgal ah ku qaaday gaari ay la socdeen injineerro, shaqaale iyo askar ka tirsan Booliiska Kenya, xilli ay ku sii jeedeen goob dhisme waddo ka socday oo ku taalla Ismaamulka Mandheera, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay waddada isku xirta deegaannada Carabiya iyo Lafeey, halkaas oo kooxdii weerarka geysatay ay rasaas xooggan ku furtay gaariga. Kooxda weerarka fulisay ayaa goobta ka baxsatay, waxaana Booliisku sheegeen in baadi-goob loogu jiro.

Dadka weerarka lagu dilay ayaa tiradoodu gaareysaa toddobo qof, kuwaas oo isugu jira shan injineer oo ka shaqeynayay dhismaha waddada iyo labo askari oo ka tirsan Ciidanka Booliiska Kaydka Kenya (Kenya Police Reservists). Darawalkii gaariga ayaa dhaawac culus soo gaaray, waxaana loo qaaday xarun caafimaad si loo daweeyo.

Maydadka dadka dhintay ayaa loo qaaday xarun baaritaan oo Booliiska ah, halkaas oo lagu sameynayo baaritaanno la xiriira weerarka iyo hubkii loo adeegsaday. Baaritaanka waxaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya ciidamada gaarka ah ee Kenya u qaabilsan la dagaallanka argagixisada.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay sheegtay inay xoojineyso howlgallada amni ee ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada ku dhow xuduudda Soomaaliya, kaddib weerarro isdaba joog ah oo sababay dhimasho, dhaawac iyo cabsi amni oo soo wajahday dadka rayidka ah iyo shaqaalaha dowladda.