Ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, Christopher Landau, ayaa maanta bilaabay safar goboleed oo uu ku tegayo dalal ka tirsan Bariga Afrika, isaga oo Masar kula kulmay mas’uuliyiin si ay uga wada hadlaan amniga biyaha Webiga Niil, horumarrada ka socda Geeska Afrika, iyo dadaallada lagu doonayo xabbad-joojin laga hirgeliyo Suudaan.
Landau ayaa Qaahira kula yeeshay wadahadallo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Masar, Badr Abdelatty, kuwaas oo diiradda lagu saaray iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale, xaaladda Suudaan, Geeska Afrika, iyo faylka Webiga Niil, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Masar.
Illaa hadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ama Safaaradda Maraykanka ee Qaahira kama soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan kulanka labada mas’uul.
Warbaahinta Masar ayaa werisay in Abdelatty uu carrabka ku adkeeyay in Webiga Niil uu yahay xudunta nolosha Masar, maadaama muwaadiniintu la daalaa-dhacayaan biyo-yari daran. Wuxuu mar kale xaqiijiyay go’aanka Qaahira ee ah wada-shaqayn wax-ku-ool ah


