Warbaahinta gudaha Israa’iil ayaa sheegtay in Israa’iil iyo xulafadeeda Mareykanka ay si dhow uga wada shaqeynayaan diyaar-garow ku aaddan suurtagalnimada burburinta xabbad-joojinta ay la leeyihiin Iiraan, iyadoo la tilmaamay in xarumaha tamarta ay noqon karaan bartilmaameedyo cusub haddii dagaalku dib u qarxo.
Wargeyska Maariv, oo soo xiganaya sarkaal sare oo militari oo aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay in “isku-duwidda labada dhinac ay tahay mid aad u sarreysa,” isla markaana haddii dagaalku dib u bilowdo, weerarradu ay ku fidi karaan kaabayaasha tamarta ee Iiraan.
Warbixintu waxay intaas ku dartay in Iiraan ay weli ku adkeysaneyso xaqeeda kobcinta uranium-ka, halka dhexdhexaadiyeyaasha wadahadallada u dhexeeya Washington iyo Tehran aysan muujin rajo muuqata oo xal degdeg ah.

