Thursday, April 23, 2026

Israel Oo ku Eedeysay Dalalka Farance Pakistan Iyo Shiinaha Inay Heshiis Qarsoodi ah Iran la Galeen

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Safiirka ISRAEL u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in Dalalka Shiinaha, Faransiiska iyo Pakistan ay heshiis qarsoodi ah oo ku saabsan marinka Hormus la galeen Iiraan.

Wuxuu sheegay in Iiraan ay maraakiibta sedexdaas Dal u ogoshahay iney maraan marin biyoodka Hormus.

ISRL ayaa sheegtay iney ka walaacsan tahay heshiiskaas qarsoodiga ah ee dhexmaray Dalalkaas.

Dhinaca kale Dalalka Yurub ayaa ka walwalsan in dadaalka Trump uu ku doonayo inuu guul siyaasadeed gaaro xiisada bariga dhaxe uu ku khasbi karo inuu Iiraan la galo heshiis aad u liita, kaas oo mustaqbalka dhibaatooyin ka sii waaweyn u horseedi kara.

Midawga Yurub ayaa cabsi wayn ka qaba in Iiraan ka hesho Trump fursado sharci barnaamijkeeda nukliyeerka ah iyo in meesha laga saaro cunaqabateyntii xaddidaysay, wax walbana ay gaaraan meel aan laga soo celin karin, sida ay werisey Reuters oo xiganaysa ilo reer Yurub ah.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.