Japan Oo si Isku mid ah Uga Caraysiisay Mareykanka iyo Shiinaha Markii ay soo Saareen Hub aan loo Ogolayn.

by Heemaaln
2 minutes read
A+A-
Reset

Japan ayaa si isku mid ah uga caraysiisay Mareykanka iyo Shiinaha , ka dib markii la sheegay in Japan tobannaankii sanno ee u dambeysay ay si qarsoodi ah u soo saaraysay noocyo hub ah oo ay ku jiraan gantaallo, nidaamyada dagaalka elektarooniga ah iyo tiknoolajiyad kale oo dagaal, sida ilo sirdoon ay sheegay inta ay socotay soo saarista hubkan.

Mareykanka oo xulafo la ah Japan wuxuu helayay warbixinno aan dhammeystirnayn oo noocyada hubka ah, xilligaana waxay doonaysa Japan in hubkaa la soo galiyo goobaha dagaalka , waxaana la beddelay siyaasaddii nabadda ee Japan ay ku dhaqmaysay tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka,ka dib markii la fududeeyay iibka hubka Japan oo dibadda loo dhoofin karo.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa maanta warsaxaafadeed dheer ka soo saartay isbeddelka ku dhacay Japan, oo lagu sheegay arrin uu Shiinaha si weyn uga walaacsanyahay.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale lagu sheegay;

“Heshiisyo dhowr ah ayaa si cad u sheegay in Japan si buuxda hubka looga dhigo, isla markaana aysan dhisan karin warshado u sahla inay mar kale dib isu hubeyso.

Dastuurka Japan sidoo kale wuxuu saarayaa xayiraado adag oo ku saabsan awoodda militari ee Japan, xaqa dagaal iyo xaqa ay u leedahay inay Japan dagaal ku lug yeelato. Tallaabooyinka halista ah ee Japan dhawaan qaaday ee dhinacyada militari iyo amniga ayaa muujinaya in sheegashadeedii ahayd dal nabad jecel iyo mabda’a difaac oo keliya ku kooban aysan run ahayn.”

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu yiri; “Dib-u-hubeynta degdegga ah ee Japan waa xaqiiqo muuqata oo lagu taageerayo qorshayaal iyo tallaabooyin dhab ah.

Bulshada caalamka, oo uu ku jiro Shiinaha, waxay si dhow ula socon doontaa, waxayna si adag uga hortagi doontaa tallaabooyinka halista ah ee Japan ee ku wajahan hannaanka militarinimo cusub.”

Warbixinnadan waxay soo baxayaan xilli khubaro badan ay ka cabsi qaba in Japan dib u bilaabayso mashiinkeedii dagaalka.

Adblock Detected

Please support us by disabling your AdBlocker extension from your browsers for our website.