Koox u dagaallanta xorriyada qowmiyada Tuareg ee degta galbeedka Afrika ayaa la wareegay inta badan waqooyiga dalka Mali, iyagoo ka faa’iideysanaya weerarro ka dhacaya inta badan dalka Mali, sida ay baahisay Al Jazeera oo sheegtay kooxda u dagaallanta qowmiyadan ee Azawad Liberation Front (FLA), inay hadda gacanta ku hayaan magaalada ugu weyn waqooyi Mali ee Kidal, waxayna qabsadeen guriga uu degganaa guddoomiyaha magaalada Kidal.
Dhulka ay dagaalyahannada qowmiyadan la wareegeen oo dhul saxare ah u badan, waxaa horey u gacanta ugu hayay militariga Mali iyo sidoo kale kooxda calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ee Africa Corps.
Waxay u muuqataa in la jebiyay isku xirka ciidanka militeriga Mali , iyadoo ay wali kooxo hubaysan isku fidinayan inta badan Mali, waxayna hadda wali dagaalladii subaxnimadii maanta bilowday ay ka socdaan magaalada Sevare ee bartamaha dalkaa ku taal, halka ay iska horimaadyo ka dhacayaan meel u dhow garoonka diyaaradaha ee caasimadda dalka Mali ee Bamako.
Sidoo kale dagaallo ayaa laga soo sheegay agagaarka magaalada Kati, halkaas oo uu ku yaallo hoyga madaxweynaha Mali, Assimi Goïta oo ah jeneraal militari oo afgambi xukunka kula wareegay sannadkii 2021, Ilaa hadda, Goïta iyo wasiirka difaaca Mali oo gurigiisa ay weerarro ka dhaceen lama arkin iyagoo si toos ah u soo muuqday, balse dawladda Mali waxay sheegtay inay xaaladda gacanta ku hayso, ka dib warsaxaafadeed ay soo saartay dhowr saacadood ka hor.
