Heemaal News Network

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Maraykanka kala Hadlay Arimaha Amniga Somaliya.(Sawiro)

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa la kulmay Sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon.

Kulankan ayaa looga hadlay dadaallada DFS ee dagaalka ka dhanka ah al shabaab, hirgelinta Qorshaha Horumarinta Amniga Soomaaliya iyo Qorshaha ATMIS.

Wasiirka ayaa Danjiraha kaga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee horumarinta nabadda & amniga Soomaaliya ee ay dowladda Mareykanku la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Sii-hayaha Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya mudane Shane L. Dixon ayaa dhinaciisa sheegay in dowladiisu sii wadeyso taageerada milateri ee ay siiso ciidanka Xoogga dalka, isagoo dowlada Somalia ku amaanay sida ay go’an tahay in la ciribtiro al Sbabaab.

Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha taageerada weyn ka siiyo dowlada Somalia gaar ahaan dhinacyada taakuleynta, tababarada ciidamada, Saadka iyo dhinaca howgalada ka dhanka ah Al shabaab.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Raysal Wasaare Xamse Oo Magacaabay Xubno kamid ah Golihiisa wasiirrada

Heemaaln

Ciidamada SSC Khaatumo Oo Duleedka Ceerigaabo Dugsi Tababar Looga Furay.

Heemaaln

War-murtiyeedkii Shirka Midowga Afrika Oo Looga Hadlay Xiisad Somaliya iyo Itoobiya

Heemaaln