Booliska Somalilad Oo Baadi-goobaya Gacan Ku Dhiigle Dil Ka Gaystay Duleedka Hargeisa

1 minutes read
A+A-
Reset

Ciidamada Booliska Somalilad Ayaa U Baxay Hawl Deg deg Ah sidii ay Gacanta Ugu soo dhigi Lahaayeen Gacan Ku Dhiigle Dil Ka Gaystay Deegaanka Toon Ee Koonfurta Bari Ee Magaalada Hargeisa Saaka,Waxaana Hawl-Galkaasi Yahay Mid deg deg ah

Xidhiidho Aan la Samaynay Dadka Deegaan Ayaa Noo Xaqiijiyay in Laba Nin Oo Geel Wada Nin Hubaysani Rasaas Ku Furay Taasi Oo Sababtay Dhimashada Hal Marxuun Iyo Dhaawac Mid Kale.

Ciidamada Booliska Somalilad Ayaa Dhacdadaasi DEG DEG uga Hawl galay Waxaan Wali Ay Ku Jiraan Raacdada Gacan Ku Dhiiglaha Ku Eedaysan Dilka Iyo Dhaawaca

Wali Hawl Gal Ciidan Ayaa Socda Saacadaha Soo Socdana Waxay U Badan Tahay in Gacanta Lagu Dhigo