Sacuudiga Oo Xukun dil ah ku Riday Boqolaal Dhalinyaro Itoobiyaan ah

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Dowladda Boqortooyada Sucuudiga ayaa la sheegay inay dil toogasho ku xukuntay ku dhawaad 200 oo dhalinyaro u dhashay dalka Itoobiya, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira ka ganacsiga daroogada.

Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in tani ay noqon karto tiradii ugu badnayd ee muwaadiniin hal dal kasoo jeeda oo hal mar lagu fulinayo xukun dil ah gudaha Sucuudiga. Kiiskan ayaa si weyn u soo jiitay indhaha caalamka, iyadoo ay jirto walaac isa soo taraya oo ku saabsan adeegsiga xukunka dilka ee dalkaas.

Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in maxkamadaha Sucuudiga ay muddo ku socdeen dacwadaha la xiriira eedeysanayaashan, kuwaas oo lagu helay inay qeyb ka ahaayeen shabakad daroogo oo ka howlgasha gudaha iyo dibadda dalka.

Ilaa hadda, ma jiro faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Itoobiya oo ku saabsan arrintan, balse waxaa la filayaa in tallaabadan ay saameyn diblomaasiyadeed ku yeelato xiriirka labada dal.

Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa marar badan ku dhaliilay Sucuudiga adeegsiga xukunka dilka, gaar ahaan kiisaska la xiriira daroogada, iyagoo ku baaqay in dib u eegis lagu sameeyo xeerarka ciqaabta adag.