Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi militari (MoU) oo cusub, kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo xiriirka difaaca iyo amniga ee labada dal.
Heshiiskan waxaa shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Sacuudiga, Amiir Khaalid bin Salmaan, kaddib markii uu qalinka ku duugay isaga iyo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid cusub oo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee u dhexeeya Riyadh iyo Muqdisho.
Sida lagu sheegay faahfaahinta la bixiyay, heshiisku wuxuu diiradda saaraya dhowr qodob oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, Iskaashi dhinaca sirdoonka iyo amniga ah iyo Wada-shaqeyn la xiriirta la-dagaallanka argagixisada.
Sidoo kale, heshiisku wuxuu oggolaanayaa is-dhaafsi dhinaca tignoolajiyada difaaca, khibradaha milatari iyo taageero farsamo, si loo xoojiyo awoodda iyo dhismaha hay’adaha militari ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyay inay si wadajir ah uga shaqeeyaan xasilloonida gobolka iyo sugidda amniga badda, gaar ahaan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kuwaas oo door muhiim ah ka ciyaara ganacsiga caalamiga ah.
Mas’uuliyiin ayaa sheegay in iskaashigan cusub la filayo inuu si weyn u xoojiyo waaxda difaaca Soomaaliya, isla markaana uu kor u qaado dadaallada wadajirka ah ee lagu ilaalinayo xasilloonida Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.
