Afar qof oo Itoobiyaan ah Oo lagu Dilay Toogasho ka Dhacday Johannesburg Ee South Africa

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Afar qof oo Itoobiyaan ah ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday Johannesburg ee dalka koonfur Afrika, ugu yaraan toban kalena waa la xidhay.

Dessie Alebachew, oo ah ku-simaha safiirka saafaarada Itoobiya ku leedahay Magaaladda Pretoria ee Dalka Koonfur Afrika, ayaa u sheegay Addis Standard in dilalkan ay qayb ka yihiin dhibaato guud oo rabshado ah oo saameynaysa ajaanibta dalkaasi ku sugan.

“Dilalku ma aha kuwo hadda bilaabmay, muddo ayay socdeen. Si kastaba ha ahaatee, mararka qaarkood heerka iyo baaxadda dilalku way kordhaan,”

“Maalintii ka horreysay shalay hal qof ayaa la dilay, taasoo ka dhigaysa tirada guud afar qof.” Ayey tidhi masuulkan.

Masuuliyiinta Itoobiya ayaa sheegay inay sugayaan natiijooyinka baadhitaanka dhacdadan ee Laamaha amaanka dalkaasi.