Wednesday, April 29, 2026

Xaaladda dalka Mali Oo Faraha kasii Baxday Iyo Hogaamiyaha Milatariga Oo ka Hadlay

1 minutes read
A+A-
Reset

Xaaladda dalka Mali ee galbeedka Afrika ayaa wali ah mid aan degganayn , in kasta oo ay hoos u dhaceen weerarradii socday oo ay fuliyeen kooxo qowmiyada Tuareg oo waqooyiga dalkaa la wareegay iyo maleeshiyaad xiriir la leh Al-Qaacida, iyadoo weerarradan xataa wasiirkii difaaca lagu dilo, magaalooyin muhiim ahna la qabsado.

Hoggaamiyaha militariga Assimi Goïta oo haya xilka madaxweynaha ,wuxuu sheegay in xaaladda la xakameeyay, balse sida ay werisey Al Jazeera xaqiiqadu waxay muujineysaa in dawladdu weli ku dhibtoonayso inay dib u soo celiso gacan ku haynta dhulka. Khatar weyn ayaa jirta oo ah in kooxaha hubeysan ay xitaa go’doomiyaan caasimadda.

Arrinta ugu xiisaha badan waa doorka Ruushka. Ciidamada Ruushka (Africa Corps), oo loo arkayay tiir muhiim ah oo difaaca Mali ah, ayaa si lama filaan ah uga baxay magaalada istaraatiijiga ah ee Kidal, ka dib weerarrada, taasoo dhalisay shaki weyn oo ku saabsan awooddooda iyo kalsoonida lagu qabay. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegay in tani ay dhaawac weyn ku tahay sumcadda Ruushka ee gobolka Sahel.

Waxaa sidoo kale soo baxay in ciidamada Ruushka iyo kuwa Mali ay ka baxeen Kidal iyagoo ka tagay qalab milatari, halka qaar ka mid ah askarta Mali la qabtay. Tani waxay muujineysaa sida weerarku u ahaa mid si awood leh loo qorsheeyay.

Ugu dambeyntii,weerarradan cusub waxay muujiyeen daciifnimo muuqata oo ku timid nidaamka difaaca Mali iyo xulafadiisa, gaar ahaan Ruushka, waxayna sare u qaadeen khatarta ah in dalka uu galo marxalad cusub oo qalalaase ah.