Wednesday, April 29, 2026

Weerarkii Lagu Qaaday Yahuuda London Oo loo Aqoonsaday Weerar Argagixisanimo

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Ku-xigeenka madaxa la-dagaalanka argagixisada Laurence Taylor ayaa sharci ahaan ku sheegay weerar argagixisanimo shilka weerarka toorreey ee lagu qaaday Golders Green.

Taylor ayaa xaqiijiyay in Ilaa labo qof ay si xun ugu dhaawacmeen weerarka, iyada oo xabsiga loo taxaabay qofkii weerarka gaystay, waxuuna ugu denbeyntii shaaciyay in weerarkaasi loo aqoonsaday Weerar argagixiso.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Keir Starmer, ayaa waxyar ka hor u sheegay xildhibaanada in uu ‘aad uga walaacsan yahay’’ weerarka Golders Green ayaa mar kale ka sheegay qoraal uu soo dhigay barta bulshada in ‘’weerarka Yuhuud nacaybka ee Golders Green uu ‘’gabi ahaanba yahay mid si weyn looga walaaco.’’

Starmer ayaa u mahadceliyay Kooxaha Bulshada Yahuuda ee Shomrin iyo Hatzola iyo booliska , ‘’sida dhakhsaha badan’’ ee ay uga jawaabeen, waxa kale oo uu ballan qaaday in cadaalada la hor keenayo uuna yahay ‘’weerarka bulshada Yahuuda weerar lagu soo qaaday Britain,’’ sida uu sheegay.