Spotify oo shaandhayn bilaabaysa toddobaadka danbe si loo xakameeyo (KI)

by Heemaal
1 minutes read
A+A-
Reset

HNN: Spotify ayaa soo bandhigtay nidaam cusub oo xaqiijin ah (verifisering) oo loogu talagalay in lagu kala saaro fannaaniinta dhabta ah ee bini’aadamka ah iyo muusigga ay sameeyaan sirdoonka macmalka ah (KI).

Shirkadda weyn ee muusigga ee Iswiidhan ayaa Khamiistii sheegtay in calaamadda cusub ee “Verified by Spotify”  oo lagu muujin doono calaamad cagaaran ay ka soo muuqan doonto bogagga fannaaniinta iyo natiijooyinka raadinta toddobaadyada soo socda. Calaamaddan waxay muujinaysaa in profile-ka la hubiyay isla markaana uu buuxiyay shuruudaha Spotify ee xaqiiqada (authenticity).

Profiles-ka si weyn u soo geliya muusig KI-sameys ah ama dadka KI lagu abuuro ma heli doonaan calaamaddan.

“Waqtiga KI-ga, waa ka sii muhiimsan tahay waligeed in la aamini karo runnimada muusigga aad dhageysanayso,” ayay Spotify sheegtay.

Si loo helo xaqiijinta, fannaaniintu waa inay muujiyaan dhegeysi iyo taageero joogto ah, raacaan xeerarka Spotify, isla markaana muujiyaan joogitaan dhab ah oo ka baxsan madasha, sida riwaayado, iibka alaab fannaaniineed (merchandise), iyo akoonnada warbaahinta bulshada.

Muusigga lagu sameeyo sirdoonka macmalka ah ayaa si sii kordhaya kuna faafaya madalaha streaming-ka, marar badanna wuxuu gaaray liisaska heesaha ugu badan ee la dhegeysto.

Madaxa Nicolai Tangen ayaa horey u sheegay in aysan wax farqi ah u sameynin haddii muusigga uu dhageysanayo uu yahay mid bini’aadam sameeyay ama KI.

Sidoo kale, shirkadda Deezer ayaa todobaadkii hore sheegtay in ku dhawaad 44% muusigga maalin kasta la soo geliyo uu yahay mid KI lagu sameeyay.

Heemaal News Network.