HNN: Booliiska Turkiga ayaa xiray dhowr tobannaan qof oo ka qayb galay munaasabadda 1-da May ee magaalada Istanbul, sida ay sheegeen weriyeyaasha AFP ee goobta ku sugnaa.
Laba kooxood ayaa si gaar ah u bartilmaameedsaday booliiska dhinaca Yurub ee magaalada, kadib markii ay muujiyeen inay qorsheynayeen inay u dhaqaaqaan fagaaraha Taksim.
Dibadbaxyada ka dhaca fagaaraha Taksim waa la mamnuucay tan iyo 2013. Fagaaraha ayaa hore u ahaa goob ay ka dhaceen mudaaharaadyo badan oo ka dhan ah dowladda dalkaas. Booliiska ayaa xannibay fagaaraha habeenkii Khamiista soo galayay Jimcaha.
Sannadkii hore sidoo kale, dad badan ayaa la xiray intii lagu jiray dabaaldegyada 1-da May ee Istanbul. Sida ay sheegtay urur qareenno Turki ah, in ka badan 400 qof ayaa la xiray.
Heemaal News Network.
