Kulan maanta dhexmaray Taliyaha tababarrada Midowga Yurub ee Soomaaliya, Elio Manes, iyo Taliyaha Ciidanka Hawlgalka Turkiga ee Soomaaliya, Sebahattin Kalkan, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku aaddan taageerada iyo dib u dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay hababka la iskugu dubaridi karo dadaallada tababarka, tayeynta ciidamada, iyo horumarinta awoodda hay’adaha amniga si Soomaaliya u yeelato ciidan qaran oo awood u leh sugidda amniga gudaha iyo la dagaallanka kooxaha hubeysan.
Midowga Yurub iyo dowladda Turkiga ayaa door muuqda ku leh taageerada amniga Soomaaliya, inkastoo ay u maraan hannaano kala duwan. Midowga Yurub ayaa si weyn diiradda u saara tababarrada farsamo, la-talinta istiraatiijiga ah, iyo taageerada dib-u-habaynta hay’adaha amniga, halka Turkigu uu xoogga saaro tababar toos ah, qalabeyn, iyo dhismaha kaabeyaasha ciidan ee casriga ah.
Iskaashigan cusub ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu mideynayo dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya, xilli dowladda federaalka ay dadaal xooggan ugu jirto dhismaha ciidan qaran oo isku filan kana qeyb qaata sugidda amniga guud ee dalka.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya ay wajahaysa caqabado amni oo joogto ah, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo taageerada caalamiga ah ay weli door muhiim ah ka ciyaarayso dib u dhiska awoodda ciidamada qalabka sida.
