Imaaraadka Oo Diiday Cudurdaarka Iran Ee Weeraradii Heshiis Difaac-na la Gashay Hindiya

by Heemaaln
1 minutes read
A+A-
Reset

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka Carabta, Khalifa Shaheen Al Marar, ayaa diiday cudurdaarrada Iran ee ku saabsan weerarradii ay ku qaaday dalkaasi, isagoo sheegay inay xadgudub ku yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, sharciga caalamiga ah iyo mabaadi’da deris wanaagga.

Al Marar ayaa sheegay in weerarradaasi ay halis geliyeen rayidka iyo kaabeyaasha muhiimka ah, wuxuuna ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu bartilmaameedsanayo dalalka gobolka.

Dhinaca kale Hindiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiisyo cusub oo dhinaca difaaca iyo tamarta ah, xilli xiisadaha ka dhashay dagaalka Iran ay sii kordhayaan gobolka.

Heshiisyadan ayaa la gaaray intii uu booqasho ku joogay Abu Dhabi Ra’iisul Wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Imaaraadka, Mohamed bin Zayed Al Nahyan.

Labada dhinac ayaa isku raacay iskaashi istiraatiiji ah oo dhinaca difaaca ah, keydka shidaalka istiraatiijiga ah iyo sahayda gaaska LPG, iyadoo Hindiya ay doonayso inay yareyso saameynta qalalaasaha ka socda Bariga Dhexe ee ku yeeshay suuqyada tamarta caalamka.

Modi ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarradii lagu qaaday Imaaraadka, isagoo sheegay in Hindiya ay taageero u fidin doonto dadaallada nabadda iyo xasilloonida gobolka.