Erdogan ayaa maanta sheegay howlaha shidaal qodista ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya inay ku dhammeynayaan muddo lix illaa sagaal bilood ah.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan: “Hawlgalka aan ka waddo xeebaha Soomaaliya wuxuu leeyahay muhiimad taariikhi ah, maadaama uu yahay qodistii ugu horreysay ee sahamin shidaal badeed qoto dheer ah oo ay Türkiye ka fulinaayo meel dal dibaddiisa ah.
Haddii xaaladaha cimilada iyo hawadu wanaagsan yihiin, waxaan filaynaa in howlgalka qodista lagu soo gabagabeeyo muddo u dhexeysa 6 illaa 9 bilood. Rajadeennu waa inaan gaarsiino shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed, kuwaas oo sannado badan la daalaa dhacayay xasillooni darro iyo macluul, war wanaagsan oo ay muddo dheer sugayeen.”
