Malaayiin Muslimiin ah ayaa maanta si weyn ugu dabaaldegay munaasabadda Ciidul-Adxaa, iyadoo laga bilaabo Bariga Aasiya ilaa Galbeedka Ameerika ay masaajidda iyo fagaarayaasha waaweyn buux dhaafiyeen shacabka Muslimiinta ah.
Qaaradda Aasiya, Sida magaalooyinka Jakarta, Kuala Lumpur, Karachi, Dubai iyo Istanbul ayaa si weyn looga oogay salaadda Ciidda, waxaana dadweynaha ku wada tukadeen Istiqlal Mosque, Masjid Negara, Faisal Mosque, Grand Mosque, Blue Mosque iyo Aya Sofya oo ay kumannaan qof isugu soo baxeen.
Qaaradda Afrika, Qaahira, Sida Addis Ababa, Nairobi, Lagos iyo Casablanca ayaa iyaguna martigeliyey isu soo baxyo waaweyn oo Ciidda ah, iyadoo salaadaha lagu tukaday Al-Azhar Mosque, Grand Anwar Mosque, Jamia Mosque, National Eid Ground iyo Hassan II Mosque.
Qaaradda Yurub, Muslimiinta ku nool London, Paris, Berlin, Stockholm iyo Moscow ayaa fagaarayaal iyo masaajiddo waaweyn ku oogay salaadda Ciidda, sida East London Mosque, Hyde Park, Grand Mosque de Paris, Sehitlik Mosque iyo Moscow Cathedral Mosque.
Qaaradda Waqooyiga Ameerika, magaalooyinka New York, Toronto, Chicago, Houston iyo Mexico City ayaa kumannaan Muslimiin ahi isugu yimid xarumaha Islaamiga ah iyo goobaha waaweyn ee lagu tukado salaadda Ciidda.
Qaaradda Koonfurta Ameerika, São Paulo, Buenos Aires, Bogotá, Lima iyo Santiago ayaa Muslimiintu si wadajir ah ugu ciideen masaajiddo iyo xarumo Islaami ah oo waaweyn.
Sidoo kale Qaaradda Australia iyo Oceania, magaalooyinka Sydney, Melbourne, Perth, Brisbane iyo Auckland ayaa si weyn looga xusay Ciidul-Adxaa, iyadoo masaajidda iyo goobaha furan ay buux dhaafiyeen dadweyne faraxsan.




